Samaynta Qalabka 3D-ga Loo Yaqaano Ee Wax Lagu Daabaco Oo Qaybo Cusub Lagu Soo Kordhiyey

0
440

Qalabkan cusub ee 3D-ga ah ayaa waqtigan loogu talo galay in lagu sameeyo qalabyada yar yar ee ay kamidka yihiin Computers-ka iyo qalabyada guryaha la dhigto laguna qurxiyo, waxa kale oo lagu samayn karaa waxyaalaha loo ekaysiiyo dhismeyaasha caalamka ugu caansan iyo qalabka guryaha la dhigto iyo cuntooyinkaba.

shirkadda MX ee laga lee yahay wadanka Holland ayaa bilawday inay dhismeyaasheeda ku dhisto qalabkan 3D-ga , kaas oo hore loogu qaban jiray shaqooyin daabacaaduhu kamid yihiin, waxaanay shirkaddani sheegtay in ay Biriijka ugu dheer adduunka oo Biro ka samaysan u adeegsan doonto dhismihiisa qalabkan , dhismahan ayaana dhererkiisu noqon doonaa 12.5 meter, halka balaadhsuna noqon doono in ka badan 6.3 meter, waxa ka qayb geli doona sidoo kale dhismaha biriijkan 4 Robot oo kala duwan, iyada oo uu socon doono dhismihiisu 6 bilood, waxaana ka qayb gelaaya shirkaddo ka socda dalka Maraykanka oo ay kamid tahay Auto Desk.

Dhirkadan laga lee yahay dalka Holland ayaa sidoo kale hirgelisay qalab nooca Robot-ka loo yaqaano ah oo isna sii samaynaaya qalabkan 3D-ga ah ee ka qayb qaadanaaya dhismaha Biriijkan, waxaana hadda tijaabadda qalabkani ka socotaa gudaha wadanka Holland, iyada oo isla dalkaasi uu ka socdo dhismaha Biriijkaasi.

Shirkaddan ayaa marka laga yimaado Qalabkan Robot-ka iyo sidoo kale qalabkan 3D-ga , waxa kale oo ay isticmaalaysa maadooyin kale oo ay biriijkaas dhismihiisa u adeegsanayso, kuwaas oo ay ku adkaynayso birta biriijkaas laga dhisaayo.

Kadib markii la dabacay kadib waxa la geeyey dhowaan Biriijkaasi goobtii laga dhisaayey , iyada oo shirkadda dhisaysaa sheegtay inay weli jiraan qalab ka maqan dhismaha Biriijkan oo samayntooda lagu guddo jiro, waxaana lagaga maarmi karaa qalabkan 3D-ga  dhismihii biriijyadii Sibidhka faraha badani ku baxaayey iyo dhalaalintii badnayd ee Birta.

Waxaana lagu dhisi doonaa Biriijyadda Mustaqbalka qalabkan 3D-ga ah ee sida fudud u daabacaaya Birtan laga samaynaayo Biriijka,  iyada oo musqtalbalka ay meesha ka bixi karaan dadka dhismeyaasha ka shaqeeyaa.

 

Leave a Reply