Masiibadii Sanduuqu Ka Badbaaday

0
567

 

Sanadkii 2005, Gobolka Kamina oo ku yaalla dalka Barasiil , koox ka ganacsada mukhaadraadka ayaa booqasho ugu tegayay saaxiibkood. Gabadh ka mid ah kooxda oo la socotay ayay hooyadeed oo ka werwersan safarka ay u baxayaan iyadoo gacanta haysata ku tidhi :” Nabad gelyo , Allah maciina ha ahaado “.   Gabadha ay dhashay oo ku dheel dheelaysa ayaa ku tidhi :” Gaadhigu wuu buuxaa xagee ayuu Allah raaci , sanduuqa gaadhiga ee alaabada aan ku ridanay miciisa ha ahaado “.

Dhawr saacadood ka dib waxa soo dhacay war sheegaya in shil xumi dhacay oo ay dhamaantod dhinteen, waxaana si aad xun u burburay gaadhiga, taasi oo keentay inuu booliisku xataa aqoonsan waayo nooca gaadhiga. Laakiin haddana waxa yaab noqotay in sanduuqa gaadhiga oo ah mid qalab khafiif ah oo cad ka samaysan aanay gaadhin haba yaraatee wax dhibaato ah. Erayada gefka ah ee kibirka xambaarsan ayaa sababa masiibooyin kala duwan.

Leave a Reply