Xukuumadda oo soo Afjartay Tabasho ay Qabeen Dhallinyaro ka Soo Jeeda Gobolka Awdal

0
464

Boorama(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa soo afjartay tabasho ay qabeen qaar ka mid ah dhallinyarada gobolka Awdal oo ku dhawaaqay in ay yihiin jabhad hubaysan oo la dagaalanta Somaliland.

Wada hadal ay xukuumadda iyo waxgaradka gobolka Awdal oo ay hormuud ka yihiin madax dhaqameedka iyo guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Proff: Saleebaan,ayaa ku soo dhammaatay is afgarad.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga,wershaadaha iyo dalxiiska Somaliland iyo abbaanduulaha koobaad ee ciidanka qaranka iyo xubno ka mid ah dhallinyardii ku dhawaaqday Jabhadda Cawaale madaxdhaqameed iyo guddoomiyaha jaamacadda Cammuud oo si wada jir ah uga hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay ku soo dhammaatay wada hadal iyo is afgarad.

Haddaba halkan ka daawo warkaas oo dhammaystiran.

Leave a Reply