Somaliland iyo Holand oo ka Wada Hadlay Iskaashiga iyo xidhiidhka labada Dal

0
428

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)-: Somaliland iyo Holand,ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada arrimaha bulshada,horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo kor u qaadista waxbarashada.

Wefti miisaan culus oo ka socday dalka Holand oo ka socday hay’addo kala duwan,ayaa socdaal rasmi ah ku yimixarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaana wefiga ka socday dalka Holand xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Wefitiga ka socday dalkaa Holland oo ay hoggaaminaysey Elin Hilwig oo ka socotay Safaaradda Holland ku leedahay Nairobi.

Xubnaha wefdigan oo ka kala socday wasaaradda arrimaha dibedda, qaybteeda iskaashiga caalamiga ah, safaaradda Holland ku leedahay dalka Kenya gaar ahaa magaalada Nairobi, bangiga horumarinta ee dalka Holland, machadka cilmi baadhista dhaqaalaha dalkaasi iyo hay’addo kale oo muhiim ah.

Waxaanu safarka wefdigu la xidhiidhaa inay wax ka ogaadaan horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaaday iyo sidii ay taageero buuxda uga geysan lahaayeen arrimaha bulshada, shaqo abuurka dhallinyarada iyo gacan siinta arrimaha sharciga iyo dimu-quraadiyadda.Sidoo kale waxa ay goob-joog u ahaan doonaan xafiis lagu magacaabo “Holland House” oo laga furidoono caasimada Somaliland ee Hargeysa kaasoo ay yeelan doonaan jaaliyadda Somaliland ee Holland.

Ugu Danbayntii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici oowarbixin ka siiyaywefdiga xaaladda guud ee dalka ayaa ku dheeraaday horumarka ay Somaliland gaadhay 28kii sanno ee u danbeeyey isagoo u xaqiijiyay wefdiga inay Somaliland diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo maalgashi caalamiya rabta inay dalka gashato. Waxaanu madaxweyne ku xigeenku uga mahadnaqay safarka ay ku yimaadeen Somaliland weftiga culus ee ka socday dalka Holand..

Kulankaasna waxa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

 

Leave a Reply