Xukuumadda Somaliland oo Magaalada Boorama ka Daah-furtay Mashaariic ku Kacaya Saddex Milyan oo Dollar

0
452

Wasiirrada Biyaha iyo Ganacsiga oo faah faahin ka bixiyay muhiimadda mashruuca bulshadana dardaaran faray

Qore Khadar M .Xaashi

Borama (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Magaalada Boorama kaga dhawaaqday isla markaana ku daah furtay mashaariic horumarineed oo ku kacaya Sadex Milyan oo Dollar ooXukuumaddu ku bixinayso mashaariic biyo galineed oo laga fulinayo galbeedka magaalada Boorama

Daah furka Mashruuca biyo galinta galbeedka Boorama oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada Boorama,ayay daah furkiisa ka qayn galeen xubno ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland maamulka Heer gobol iyo Degmo ee gobolka Awdal iyo degmada Boorama,madaxdhaqameedka gobolka Awdal waxgarad iyo marti sjaraf kale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaca ka qaaday qadarka lacageed ee ku baxaysa mashruuca biyo gelinta galbeedka magaalada Borama waxaanu yidhi“Mashruucan aaanu hadda sameyneyno waa mashruuc ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee Somaliland laga hirgeliyo, waxaa ku baxaya saddex Milyan oo dollar waxaa la soo jiidi doonaa Beeb, gaadhaya 18-KM, waxaana biyaha laga filayaa ay noqonayaan saddex milyan oo mitir maalintii, waxaana lagu qarash gareyn doona saddex milyan, waana qaab nco fiican oo wixii hadda ka danbeeya waxaa aanu odhaneyna 1-ki litir ee biyaha ah 30-kii sano waxaa lagu qarash gareynayaa 1-litir ayaa lagu qaras gareynayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF wax badan ayuu halkan ka qabtay waana mashruuci lixaad ee uu qabto haddii ay tahay deegaan, waxbarasho iyo beeraba”

Wasiirka wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska mudane Maxamuud Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa bulshada reer Awdal ugu baaqay in ay dib isugu noqdaan mar uu ka hadlayay arrimaha nabadgeliyada waxaanu yidhi “Waxaan had iyo goor leyna yidhaahdaa waa gobolkii waxbarashad, ma naaneys ayuu noqday, waayo dhinac kasta marka laga eego sideedii uma dhaqmeyno,waar bal dib aynu isugu noqono sifiican aan u wada noolaano.

ILLAAHA biyaha idin siiyay ayaa mahad leh agabka biyo-gelinta meeshaasi yaallana waxaa uu ku yimid hawl adag ”

Guddoomiyaha gobolka gobolka Awdal ayaa bulshoweynta reer Awdal u diray fariin xanbaarsan in wixii nabadgeliyada waxyeelaya ay meel uga soo wada jeestaan waxaanu yidhi “Nabadgeliyada iyo horumarka soconaya wey is leeyihiin, haddaan nabadgeliyo jirin horumar ma jirayo rag meelo lagu sheeg-sheegayana way jiraan, waxaan leeyahay heynaga qasina maalin walba waa kaasi oo waa uu iska soo daba dhacaya horumarkiiye illaa wadada dheer, biyihii, meeshuna marka horeba waa hoy waxbarasho ‘Hoy waxbarashada rasaas uma baahna’ dadka u soo waxbarasho doontay ee Jaamacaddaha yimidna waxaa ay ka yimaadeen dhul rasaasi ka dhaceyso, halkan ayay nabad-geliyo bideen oo ay is yidhaaheen ardaydiina geeya, illaa reerahoodii ayaa soo raacay oo degay, Borama waynu is og-nahay waxaan leeyahay yaan loo riyaaqin oo meel ha looga soo wadda jeesto ninka fidna wada, dabkaasi baxaya ayuunbu inaga daminayaa dabka aan ilaashano.

Waa muhiim inaynu la shaqeyno ciddii ka shaqeyneysa Beebabkaasi keeni doonabiyaha waanu ku amranahay gacan ayaanu siineyna, shacabkana waxaan leeyahay waar Boolis ka noqda idinku oo ilaashada oo biyahaasi in ay soo gaadhaan kala shaqeeya”

 

 

Leave a Reply