Gabadh Qurux Raadin Ku Indho Beeshay

0
820

 

Gabadh 24 sano jirtay oo u dhalatay dalka Austerliya lagun magacaabo Amber ayaa indho beeshay ka dib markii ay dhakhtarka ka codsatay in Tatu midabka buluuga loogu sameeyo indhaheeda .

Kharashka kaga baxay midabka Tatuga buluuga ah ee loogu samayanayo  ayaa noqday 26 kun doller, oo ay bixisay.

Sida lagu daabacay wargeyska dailymail gabadhan ayaa doonaysay inay gebi ahaanba midabkeeda u bedesho buluug, iyadoo carabkeedana laba qaybood laga dhigay oo midabaysan. Waxaana loo dalooliyay dhegaha dhamaan jidhkeedana waxa lagu sameeyay dhalan rog badan, iyadoo lagu sameeyay sawiro tatu midab ah oo gaadhay 200.

Amber oo haatan indho beeshay ayaa iyadoo ka waramaysa qaabka indho beelka ku dhacay tidhi :” Markii ishayda uu ku dhacay midabka waxay ila ahayd in quraarad indhahayga ku dhex jabeen”. Nasiib darro waxay ku dhamaatay arintu mid murugo leh.

Hooyada dhashay gabadha ayaa iyaduna oohin la aamusiin kari waayay markii ay ogaatay inay inanteedu indho beeshay, waxaana ay tidhi :” waxay ahayd in arrin halis ah inay inantaydu khatarta u badheedho, laakiin iyadaa rabtay, sidaa awgeed anigu waan ku khasbanaa inaaan ku taageero, madaama ay aaminsanayd inay qurux u kordhinayso”. Hooada ayaa intaasi ku darta inay doonaysi inay gabadhkeeda is barbar taagto madaama ay indho beeshay.

Indho beelka gabadhan ku yimi ayaa ka joojiya qaliino kale oo ay geli lahayd, kuwaasi oo ay doonaysay inay isku qurxiso.

by: Axmed Adam Cali (Haybe)

 

 

 

Leave a Reply