Cirbixiyeenkii Hurushoobay!

0
585

 

CIrbixiyeenkii ugu   horeeyay dunida ee ay u suuragashay inuu dayax  gacmeed raaco kaasi oo hawada sare gaadhay, dhulkana ku wareego waxa uu ahaa Mr. Yuri Gagarin oo u dhashay dalka Ruushka.

Yuri Gagarin waxa uu saaraa dayax gacmeedkii “FOSTOK !” ee Ruushku hawada sare u diray bishii April 12, sanadkii 1961. Cirbixiyeenkani  markii uu hawada sare gaadhay waxa uu arkay cajaa’ibka abuurka caalamka, xarunta hawada sare ee laga diray ayuu usoo soo diray fariinta ah: “ Macquul maaha, suurtagalna noqomayso in kawkan quruxda badani uu iska yimi iyadoo aanay jirin cid abuurtay. Waxa xaqiiq ah inuu jiro Abuure weyn oo sameeyay kawnkan cajiibka ah”.

Weedhaha waxa bedelay warbahinta dawladda Ruushka oo baahisay warkan inuu sii gudbiyay Yuri Gagarin oo uu yidhi  “ Halkan kumaan arag Ilaah”.

Markii uu Yuri Gagrin dhulka ku soo noqday ayuu isaguna xaqiiqdii qariyay oo bedala weedhihiisa hore oo yidhi: “Hawada sare kumaan arag Ilaaha ay rumaysan yihiin dadka Muslimiinta ahi “. Waxaana uu qariyay xaqiiqdii uu hore u baahiyay.

Haddaba bishii March 27kii , sanadkii 1968kii , isaga iyo saaxiibkii ayaa raacay dayuurad laba qof qaada iyagoo samaynayay duulimaad tijaabo ah.   Dayuuradda ayaa burburtay oo soo dhacday iyadoo aan ilaa maanta la garanayn sababta dayuuraddu u burburtay. Yuri Gagrin iyo saaxiibkii ayaa ku bes beelay dayuuradda dhexdeeda isagoo noqday dambas aan laga helin wax la aaso. Baadhaayaasha sababta shilka dayuurada ku hawlanaa ayaa  gebi ahaan sheegay in aanay garanayn sabab cad oo la sheego oo dayuuradaasi u dhacday.

by:Axmed Adam Cali (Haybe)

 

Leave a Reply