Maraykanka Oo Ay Markii Ugu Horeysay Garoomadiisa Ka Duushay Diyaarad Mucjiso Ahi

0
747

Shirkadda Otto Aviation oo laga lee yahay dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay tijaabisay diyaarad nooceedu cusub yahay oo lagu sameeyey dalkaasi Maraykanka, taas oo lagu magacaabo Celera 500L, waxaanay noqotay diyaaraddaasi mid aad u mucjiso badan, iyada oo lagu tilmaamay diyaaraddii Sirta ahayd.

Sida lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , diyaaraddan ayaa duulimaadkeedii ugu horeeyey ee tijaabo ah kaga duushay Victorville oo kamid ah California, iyada oo muddo hawada ku jirtay , isla waqti kooban kadibna dib ugu soo noqotay goobtii ay ka duushay.

Diyaaraddan oo qaab dhismeedkeedu aad uga duwan yahay diyaaraddaha kale  ayay khubarrada shirkaddu sheegeen in la isticmaali doono mustaqbalka, waxaanay diyaaraddani awood u lee dahay in ay duusho  740 ilaa 820 km/saacadiiba, waxaanu qaab dhismeedkeedu u samaysan yahay hab dhuuban oo dhexda buuran ama sida Qumbulada oo kale.

Waxa saaran diyaaraddan  mashiin  culayskiisu dhan yahay ilaa 500 oo Horsepower, waxaanay qaadan kartaa shidaal dhan 3.8 Litir markasta oo ay duusho 68 km, iyada oo ku duuli karta joog dhan  19.8 km.

Leave a Reply