Wasiirka Biyaha Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Riig ah Oo Laga Hirgeliyay Xariirad

0
542

By: Khadar Cabdi Muuse

Xariirad (Dawan):  Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa xadhiga ka jaray Ceel biyood laga hirgeliyay degmadda Xariiirad ee gobolka Awdal iyo ceelal kaloo dyactir iyo balaadhin lagu sameeyay oo ku yaala gobolkaasi.

Wasiirka waxaa xadhig ka jaristaasi ku wehelinayay masuuliyiin ka socday hay’adda Save the Children iyo maamulka gobolka Selel.

Sidoo kale waxaa munaasibadda xadhig ka jarista ceelal biyoodkaasi ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland iyo degaanka Boorama.

Ceelal biyoodkan iyo Taangiyadan biyaha ee uu wasiirku xadhiga ka jaray waxaa hirgelintoodda iska kaashaday wasaaradda biyaha Somaliland iyo hay’adda Save the Children, halka uu maalgeliyay mashaariicdani sanduuqa USAID.

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, ayaa bulshadda degaamadda ceelashan laga hirgeliyay kula dar-daarmay in ay ilaashaadan, isla markaana ay ogaadaan in iyagu ay leeyihiin.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan Xariirad ugu faraxsanahay in aan markhaati ka noqdo ceelkii ugu horeeyay ee Riiga ahaa ee ay yeelato, in aan dhagax dhigay, furayna.

Ceelkani wuxuu u baahan yahay in uu shaqeeyo, wasaaradu-na daba taagnaan mayso, Save Children-na daba taagnaan mayso. Laakiin, waa in uu is wadaa mashruucu, waa in uu kayd yeeshaa, waa in maalinta Biri xumaato, la samayn karaa.

Ummadu waa in ay sidaa u gartaan, waxan in ay iyagu leeyihiin, oo ay wada ilaashadaan, ka dhibaya laga ilaaliyo, oo qofka maamulka dawladnimadda xumaynaya iyo ka xaasidaya, laga ilaaliyo”.

Geesta kale masuul ka socday hay’adda Save the Children oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa wasiirka biyaha faahfaahin ka siiyay mashaariic kala duwan oo dhinaca biyaha ah oo ay ka hirgeliyeen degmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan goboladda Awdal iyo Selel.

Waxaanu yidhi “Waxaan maanta (shalay) halkan u joognaa in aan xadhiga ka jarno ceel biyoodkan laga qoday degmadda Xariirad.

Waxa kaloo ku jira oo qayb ka ah Taangi biyood oo qaadaya 215 Foosto iyo Beebka ku xidhaya biyaha magaaladdda.

Mashaariicda kale aanu doonayno in aanu kugu wareejino wasiir waxaa ku jira Tokhoshi, oo isna dhismihiisii dhamaaday, oo aanu ka dhisnay Taangi biyood, iyo Beebkii magaaladda Saylac ku soo xidhayay.

Waxa kaloo ku jira Qulujeed, oo iyana Taangi biyood aanu ka samaynay. Waxa kaloo aanu Magaalo-cad oo u dhaw Dilla aanu iyana ka samaynay Taangi biyood”.

Leave a Reply