Bandhiga Quruxda Ee Cajiibka Ah!

0
691

Bulshooyinka dunida badankoodu waxay leeyihiin caadooyin iyo dhaqano u gaar ah.  Bulshada Wadabi oo ah qabiilo degan xeebaha Nayjeeriya ayaa caado u leh bandhigga quruxda ragga ah.

Bandhigan oo lagu magacaabo Gerewol ayay qabiiladani sanad kasta hal mar qabtaa. Raga ka qayb qaadanaya ayay ku qaadataa inay is qurxiyaan muddo 6 saacadood ah si uu u noqdo boqorka iyo horyaalka quruxda raga ee qabiilada Wadabi.

Raggan ayaa wejiyadooda soo mariya dhoobo cas iyagoo indhaha dhuxul madaw oo indho kuul ah  mariya si ay aad ugu muuqato inta cad ee isha.

Debnaha waxay mariyaan midab cas , ilkahana waxay ka dhigaan kuwo aad u cad cad. Bandhigan ayay raggu dumarkooda ku raali geliyaan haddii uu noqdo mid foolxumi la yimi goobta waxa dhacada in gabadhiisuna ay sidaasi kaga tagto iyadoo u arkaysa inay ceeb tahay inay la joogto nin ku fashilmay bandhiga boqorkqa quruxda ee deegaanka.

Ragga qabiiladan ayaa aaminsan inay yihiin raga dunida ugu quruxda badan, waxaana ay isku daawadaan muraayadaha iyagoo la dhacsan quruxdooda. Bulshada Wadabi waxa ceeb ah in ninka jeebadiisa laga waayo muraayad uu isku eego si uu ilaaiyo quruxdiisa.

 

Leave a Reply