Maxaad U Ilowday Layliska?!

0
1189
  1. Nin ayaa maalin saaxiibkii uga cawday nin oday ah oo ay jaar yihiin kaasi oo uu sheegay in marka ay aroos isku arkaanba ku odhanayo adiga aya arooskaagu noogu xigayaa ayaan filayaa. Waxaana uu sheegay in isagoo aan weli diyaar u noqon uu mar kasta dadka ku hor fashiliyo oo uu isaguna khajilo. Waxaana uu weydiiyay waxa uu saameeyo?.

Saaxiibkii ayaa ku yidhi :” Taasi waa fudayd, adiguna markaad geeri ama tacsi isugu timaadaan waxaad ku tidhaa , adigaa ku xigayaa odaygan maanta aan aasayno”.

  1. Shimbirta guumaysta waxa la sheegay inuu ka mid yahay shimbiraha ugu caqliga badan. Sababta ayaa lagu sheegay in shimbirkani uu yahay mid aamuskiisu badan yahay isagoo xafidaya dhawaaqyada dadka ka soo baxaya kuwaasi oo uu marka danbe qaarkood laga fahmo codkiis.

Haddaba dadka iyaguna aamuska badan ayaa  noqday kuwa caqliga badan, waxaana ay hadlaan oo keliya marka ay u baahaadan keliya.

  1. Macalinka ayaa arday fasalka afraad ah weydiiyay sababta uu uga soo shaqayn waayay layliskii loo diray? Waxaana uu ardaygu ku jawaabay inuu ilaabay. Laakiin macalinka ayaa aad u xanaaqay oo yidhi :” Miyaad ilowday raashinkii iyo sharaabkii aad qaadanaysay? . Ardayga ayaa ku jawaabay :” Maya ma ilaabin. Macalinka ayaa ku yidhi :” Haddaa side aad u ilowday layliska shaqo guri ah?.

Ardayga yar ayaa ku jawaabay :” Raashinka iyo biyaha haddii aan ilaabo waan dhimanayaa, laakiin layliska ma dhimanayo”. Dadku arrimaha ay ahmiyadda siinayaan ma ilaabaan.

Leave a Reply