“Dalka Somaliland kii Shaqo Wayaaba Waxa la Odhanayaa Siyaasigii Ruug Caddaaga ahaa” Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud

0
465

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha Jaamacada Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed,ayaa sheegay gobolka Awdal iyo magaalada Boorama in aanay ahayn deegaan qabiil iyo qabyaalad lagu yaqaan isla markaana tilmaamay in ay Boorama tusaalaha aqoonta Somaliland ay tahay cidna aan lagu haybsan

Waxaa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay siyaasiyiin hore xilal u soo qabtay oo markii ay xilka hayeen aan wxba qaban oo imika oo aanay wax shaqo ah aanay haynin ku hadla hadalo kicn iyo khal khal galin ah oo ay dadka ku soo dhex tuuraan.

Waxaanu ka waaniyay warbaahinta in aanay shaadh libaax u gelin qof aan horena wax u qaban imikana camal la,aantu ka hadlinayso.

Saleebaan Axmed Guuleed oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Soomaalidii waxa ku dhacay siyaasi barar dalka Somaliland kii shaqo wayaaba waxa la odhanayaa Siyaasigii Ruug cadaadiga ahaa ee hebel hebel ayay ku odhanayaa waxaana lu gooyay warbaahinta,waxa jira Siyaasiyiin dhacay oo baytarigii ka dhacay oo kii shaqo waayaaba waxa uu noqonayaa dagaal ooge xaga afka ah ayuu ka noqonayaa ku dorraad xil hayay oon Waxar gees ka ridin oo hadana imika ku leh Da yarta waxba la idiinma qaban oo abaabulaya oo kicinaya ayaa jira.waxa aan leeyahay hadhagaysanina danteena ayaynu ka raaci Jaamacada Cammuud boodhkeeda waxa aanu ku qornay 1997kii waa Baabuurkii Xambaarayay Nabadda iyo Horumarka labaduba makala maarmaan,Magaalada Boorama dhaqankeedu waa nabad dhaqanka Gobalka waxba ma yeelo wixii yaraa ee la sheeg sheegayay intiina way iska dhammaatay waxa ay noqotay Dhaqanka Magaalada Boorama asalkiisu uma samaysna Qabiil lagumana Toyanayo meeshaad ka timid waana Magaalo aaad dadka usoo dhawaysa,”.

Leave a Reply