Xukuumadda oo Ku Guulaysatay Soo Afjaridda Jabhad la Baxday Cawaale

0
448

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama, (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa wada hadal ku soo dhammaysay Jabhad la baxday Cawaale ka dib markii xukuumadda Somaliland iyo Madaxdhaqmeedka iyo aqoonyhanka gobolka Awdal ay isla kaashadeen in arrinta jabhadda Cawaale ee lagu dhawaaqay wada hadal lagu xalliyo isla markaana aan qori wax lagu doonin.

Ergooyin isugu jira aqoonyahanno, madaxdhaqameed iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan koox dhawaan deegaanka Laastuug oo hoostaga gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay yihiin Jabhad la baxday Cawaale, kuwaas oo dhawaan muuqaal iska soo duubay.

Wada hadal dhexmaray ergadaasi nabad-doonka ah iyo kooxdaas jabhada la baxday ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay soo afjareen arintaas isla markaana kooxdaasi ay ka noqdeen jabhadaasi Cawaale, tabashadoodana xukuumaddu ay wax ka qabanayso

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii arintaasi ka hawlgalay ee ku guulaystay inay soo afjaraan oo ka hadlayay arrintas iyo siday ku soo dhammeeyeen,ayaa yidhi.“Si guul ah ayay noogu dhammaatay noogana aqbaleen, halkaasina waxaa ku soo dhammaatay kagana noqdeen Jabhadii ay ku dhawaaqeen dhawr cisho ka hor, sida ay ku caddeeyeen ee aad arkeyseen”

Wasiirka wasaaradda ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ka xukuumadd ahaan wixii ay tabanayeen jabhadaasi ay dusha ku qaateen waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay madaxdii hawshan gashay wixii tabasho ah annaga ayaa guudka saaranay,”

Suldaanka guud ee beelaha Samaroon suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa duco iyo dardaaran faraqa ugu guntay inamadii Jabhadda ee ka tanaasulay go’aankoodii waxaanu yidhi “Dawladda waan u mahad naqayaa jabhadda in badan ayay u dulqaadatay, inamadda jabhadana waan u mahad-naqayaayo intay meeshaasi joogeen ficilkii jabhadii lahaan jirtay lamay iman, xataa ruux dumara may handadin wax kale iska daayo wiilashana taas ayan ugu mahad-naqayaa, adeerayaal waxaan leeyahay intaasi iyo duco ayaan idinkaga tegayaa arrinkiina waa sidaasi uu u dhammaaday si fiican u fuliya meesha dawlad ayaa soo mareysa ee waajibkiina hagaag u guta”

Mid ka mid ah kooxdii ku dhawaaqday Jabhadda Cawaale oo madashaa kaga dhawaaqay in ay ka noqdeen Jabhadninadii ay hore u sheegteen,ayaa yidhi “Maanta(dorraad) waxaan joognaa Laas-tuug xeraddi jabhadda Cawaale, maanta oo bishu tahay 14/11/2019 waxaa aanu ka noqoney urrurkii Jabhadda Cawaale ee aanu ku dhawaaqnay sababa jira awgood, iyadda oo aanay nin Tol leh dhaari u bixin oo aqoonyahan, saraakiil, iyo madax ay na qabsadeen nagana qabsadeen taladoodiina aanu qaadanay una noqonay waxay noogu taliyeen”

 

 

Leave a Reply