Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Arrinta Komishanka Doorashooyinka Guddoomiye Cirro-na Farriin u Diray

0
459

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay arrinta gudida Doorashooyinka qaranka,waxaanu caddeeyay in dhincyadii xubnaha gudida doorashooyinka soo xulayay in aanu midna ku celin kuna faro gelin labadii Xubnood ee Xisbiyada,labadii xubnood ee Guurtida iyo sadexdii Xubnood ee Madaxweynuhu magacaabayay oo isku dhanna uu u waada gudbiyay golaha wakiilada.

Waxaanu intaa ku daray in ka madaxweyne ahaan uu diyaar u ahaa in uu ku dhaqmo waxkasta oo ka soo baxa golaha wakiilada haddii ay ku soo celin lahaayeen xubnaha uu magacaabayna uu u hoggansami lahaa.

Waxaanu guddoomiyaha xixbiga mucaaridk ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu xasuusiyay xeerka gudida doorashooyinka ee xubnaha cusub lagu ansixiyay in uu yahay kii uu isagu guddoomiyay mrkii l ansixinayay ee uu saxeexay.

Madaxweyne Muuse wxaa uu si talo qaran ah ugu nasteexeeyay Guddoomiyaha WADDANI in uu u hoggansamo go’aanka ka soo baxay golihii uu toban iyo dheeraadka sano guddoomiyaha u ahaa ee wuxuu soo saara ay shirciga ahaayeen xilligiisii imikana ay sharciga yihiin

Hadalka Madaxweynaha qaranka oo muuqaal ah halkan hoose kaga bogo.

Leave a Reply