Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda oo Xadhiga ka Jaray Xarunta Technolyada Casriga ah ee TECHNOX

0
486

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Ibraahin Suufi,ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun Tiknoolajiyada ah oo casriya oo Hargeysa laga furay.

Xaruntan cusub ee Tiknoolajiyadda casriga ah oo lagu magacaabo TECHNOX,ayaa munaasibad balladhan oo si wayn loosoo agaasimay xadhiga lagaga jaray.

Waxaana ka soo qayb galay wasiirada Isgaadhsiinta,xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka,dhallinyarada iyo ciyaaraha. qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee waddaniga ah iyo marti sharaf kale oo badan.

Haddaba munaasibaddii xadhiga lagaga jaray xaruntan cusub ee Tiknoolajiyadda iyo weedhihii laga yidhi halkan ka daawo.

Leave a Reply