Maxaad ka ogtahay guryaha ay ku nool yihiin dadka ugu taajirsan dunida?

0
628

Maalqabaneeda dunida ee inta badan haysta balaayiinta doolar ayaa ah kuwa dad badan ay isweydiiyaan halka ay degan yihiin, nolosha ay ku nool yihiin iyo guryaha ay ku hoydaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska wax ka qora dadka hantida leh ee caalamka ee The Forbes, waxaa caalamka ugu taajirsan Bill Gates, Warren Buffett, Jeff Bezos iyo mulkiilaha Facebook,Mark Zuckerberg.

Afartan qof oo hantidooda ay gaadhayso ku dhawaad laba boqol oo bilyan oo doolar ayaa inta badan waxaa ay hantidaas u adeegsadaan in ay ku noolaadaan oo ku iibsadaan waxyaabo qaali ah oo ay ka mid yihiin guryaha.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbinaynaa afarta maalqabeen ee caalamka iyo guryaha ay ku nool yihiin.

  1. Bill Gates –Bill Gates, madaxa shirkadda Microsoft ayaa Magaalada Washington ku leh qasri caan ah oo lagu qiyaasay in uu ku fadhiyo lacag dhan 170 milyan oo doolar. Bill ayaa meelo kala duwan oo Maraykanka ah ku leh huteelo iyo guryo nooca raaxada ah. Hantidiisa waa 81 bilyan oo doolar, waxaana gurigiisa ugu qaalisan uu ku yaala xaafadda Medina, ee Magaalada Washington.

Mr. Gates, oo da’diisu ay tahay 60, ayaa inta badan wakhtigiisa aku qaata gurigiisa oo dhulka uu ku fadhiyo gaarayo 66,000 oo isku wareeg ah.

Gurigan ayaa waxaa uu kusii jeedaa harada weyn ee Lake Washington. In uu dhiso qasrigana waxaa ay Gates ku qaadatay toddobo sano, waxaana loo dhisay qaab casri ah.

  1. Jeff Bezos Worth –Jeff oo ah madaxa shirkadda Amazon ee lagu iibiyo alaabaha dhanka Intarnetka ayaa haysta hanti dhan 67 bilyan oo doolar. Waxaa uu gurigiisa ugu qaalisan ku yaalaa xaafadda Medina ee Magaalada Washington.

Mr. Bezos, oo da’diisu tahay 52, ayaa hataan ku guda jira dhismaha dhul ku fadhiya 165,000 oo hetar , kaas oo ku yaala galbeedka Texas ee Maraykanka.

Guriga uu haatan ku nool yahay oo ku yaala xaafadda Medina, ee Washington, ayaa u dhaw xarunta shirkadda Amazon, gurigaas oo ku fadhiya inkabadan 5.35 hektar oo dhul ah. Gurigan ayaa la sheegaa in dhismihiisa ay ku kacday lacag dhan 100 milyan oo doolar.

  1. Warren Buffett –Ganacsadahan caanka ah waxaa uu haystaa hanti dhan 65.5 bilyan oo doolar, oo waxaa uu qasri ku leeyahay Magaalada Omaha, ee gobolka Nebraska ee Maraykanka.

Mr Warren oo da’diisu tahay 86 sano ayaa ah ganacsi aad u maalgashada dhismaha guryaha, waxaana wargyeska The Forbes uu kusoo warramaya in uu ku nool yahay heer sare ah.

Gurigiisa oo uu iibsdaay sanadkii 1958 ayaa waxaa uu xiligaas ku iibsdaay 31,500 oo doolar. Mr Buffett ayaa la sheegay in waligii ba uu ku noolaa halkaas, waxaana guriga hadda uu degan yahay la dhisay sanadkii 1921, inkastoo dhowr jeer oo dambe dib loo dhisay, oo la casriyeeyay, waxaana hadda uu ku fadhiyaa dhul dhan 6,500 oo isku wareeg ah.

Gurigan iyo kuwa kale oo uu leeyahay Warren ayaa la sheegay in uu ku malageliyay lacag ku dhaw boqol milyan oo doolar.

  1. Mark Zuckerberg – Mulkiilaha caanka ah ee shirkadda Facebook iyo Whatsap wan in dhalinyaro, hantidiisa lagu qiyaaso 55.5 bilyan oo doolar. Mark waxaa uu guri ku leeyahay Magaalada Palo Alto ee gobolka California.

Da’yarkan hantiilaha ah ayaa inta badan dhaqaalihiisa la sheegaa in uu geliyo ganacsiyo kale oo aan ka ahayn kuwa teknolojiyadda ee lagu yaqaano, waxaana uu guri ku leeyahay Magaalada Dolores Park ee gobolka San Francisco.

Mr. Zuckerberg, oo ay da’diisu tahay 32, jir ah ayaa gurigiisa ugu horeeyay ku iibsaday 7 milyan oo doolar sanadkii 2011-ka, oo waxaa uu gurigaas ku fadhiyaa dhul dhan 5,000 oo isku wareeg ah.

Waxaa uu sidoo kale iibsdaay afar gur oo ku ag hareereesnaa halka uu degan yahay, waxaana uu ka bixiyay lacag dhan 43.8 milyan oo doolar, si uu u helo deegaan u gaar ah isaga oo aanan waxbadan laga ogaan karin noloshiisa.

 

Leave a Reply