Ruushka Oo Samaysanaaya Gujis ( Markabka Badda Hoos Mara) Oo Xambaaraaya Madaxyada Nuclearka.

0
517

Wasaaradda difaaca dalkaasi Ruushka ayaa bilawday samaynta markab kuwa badda hoos mara ah , kaas oo xambaari doona madaxyada Nucear-ka, waxaanay sheegeen inuu markabkani hadda bilaabmay , lana dhamayn doono sannadka 2025-ka.

Mid kamid ah taliyeyaasha ciidamada Badda ee Ruushka oo lagu magcaabo Victor Parsuk ayaa sheegay in ay hadda ka shaqayntiisii iyo qaabayntii markabkaasi bilaabeen, lana dhamayn doono sannadka 2025-ka oo uu tijaabooyin iyo shaqoba bilaabi doono.

Masuulkan oo la hadlaayey wargeyska RussiaTimes oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa intaasi ku daray in markabkani aad uga duwan yahay maraakiibta ay hadda ciidamada Ruushka iyo ciidamada kale ee caalamkuba isticmaalaan, iyada oo arrinta ugu muhiimsani ay tahay habka uu isu qarinaayo iyo habka loogu dhex isticmaali karo madaxyada Nuclear-ka ee uu sido.

Sarkaalkani wax faah faahin ah oo dheeraada kama bixin arrintan ,haddana warar kale oo laga helay markabkaasi ayaa sheegaaya inuu qaadi karo gantaalo kale oo dheeraada, kuwaas ooay kamid yihiin gantaalka lagu magcaabo Tserkon, sidoo kalena waxa ay wararku intaas ku darayaan in markabkani yahay mid aad u dheeraynaaya.

Waxa uu ka dheeraynayaa codka 5 ilaa 6 jeer , isaga oo waqti yar  socon kara masaafo dhan ilaa 400 km, waxaana qaybo badan oo markabkan kamid ahi ka samaysan yahay maadada loo yaqaano Titanium,waxa kale oo uu qaadi karaa madaxyo badan oo Nuclear ah iyo sidoo kalena ciidan badan.

 

Leave a Reply