Nolosha Buuraha Ee Qadiimka Ah

0
499

Waxa laga yaaba inaad mararka qaarkood maqasho dad ku nool godad oo iskaga guuray magaalada. Laakiin dalka China 30 malyuun oo qof ayaa ku nool godad iyagoo weliba raali ku ah oo ku qanacsan.

Waxaan bulshadan arinkan ku keliftay dabeecadda dhulka ay ku nool yihiin oo u badan dhul buuralay ah iyo gebiyo. Sidaa awgeed waxay ka qoreen guryo qurux badan oo ay degan yihiin kuna nool yihiin.

 

Hogaga ayaa u kala duwan sida heerka dhaqaale ee dadka ku nool ugu kala duwan yihiin. Dadka dhaqaalahoodu sareeyo waxay godadkoodu leeyihiin dhamaan tas-hiilaadka nolosha waxaana looga qoraa buuraha si aad u qurux badan. Halka godadka guryaha saboolka aanay lahayn xataa laydh , Telefoon iwm. Waana sida nolosha dunidu u kala duwan tahay goob kasta oo dunida ka mid ah.

Hogaga ayay aad qaali u ah marka la kala iibsanayo waxaana qiimahoodu gaadha 46 kun doller, iyadoo qofka kiraystana halkii hog lagaga kireeyo bishii $ 30. Dadka dalxiisayaasha iyo dadka taariikhada qora ayaa goobahaasi aad u booqda iyagoo doonaya inay wax ka ogaadaan nolosha godadka iyo dadka degganba.

Waxaana warbixinta dawladda Shiinuhu cadaysay in tan iyo wakhtiganaan lahayn qoys keliya oo iskaga guuray nolosha godadka oo ku u guuray nolosha magaalooyinka. laakiin warbixinaha ayaa intaasi ku daray inay kordhaan dadka godadka ku nooli. (Kyoum).

 

 

 

Leave a Reply