Shirkaddaha Shiinaha Ee Taleefanadda Oo Tartan Horleh La Gelaaya Dhigooda Reer Galbeedka

0
431

Shoomi waa shirkad cusub oo soo saaraysa Taleefanada yar yar ee gacanta , waxaanay markii ugu horeysay soo saartay taleefan nooca gacanta ah oo habkiisa samays ku cusub yahay caalamka, kaas oo gebi ahaantiiba ka samaysan quraarad, iyada oo lasoo bandhigay muqaal muujinaaya maamulaha iyo mulkiilaha shirkaddaasi oo laftiisu taleefanka shirkaddaasi isticmaalaaya, waxaanu noqday taleefankii ugu horeeyey ee labada dhinacba isu laabaaya ee lasoo saaro, iyada oo shirkadda Shoomi durba kaalmaha hore ka gashay suuqyadda taleefanada gacanta ,waxaanay ka gashay door awood badan, iyada oo wax soo saarkeeda bilawday sannadkii 2016-kii.

Shirkaddan ayaa soo saartay sannadkan taleefankeeda cusub ee lagu magacaabo Redmi 8,waa taleefan xaga dambe lagaga sameeyey laba kamaradood  iyo Falaash awood badan oo ka dhigaysa sawirka qofka mid aad  dhalaal badan, iyada oo goob walba oo madow ah ka dhigaysa meel cadaan ah.

Kamarada kowaad ayaa cabirkeedu yahay 12 Mega Pixel , iyada oo laydhka Falaashtaasina cabirkiisu yahay 1.8 MF, halka kamarada labaadna ay tahay 2 Mega Pixel, waxaanu taleefankani dhabarka dambe ku lee yahay Muraayad ka adag ta xaga hore, taas oo loogu talo galay in haddii uu dhaco aanu waxba noqon.

Mobile-kan Red M8 ayaa muraayadiisa hore laga dhigay mid u samaysan qaabka HD-ga oo kale, waxaana lagu sameeyey muraayad si fiican qofku wax ugu akhriyi karo iyo muraayad kale oo iyaduna aad loo farsameeyey,looguna talo galay in lagu ilaaliyo shaashada talefankaas.

Waxa ku wareegsan qolof adag oo aanu waxba noqonayn haddii uu dhulka ku dhaco, taas oo ay ka sarayso quraaradaasi adagi,.

Taleefankan Red Mi 8 waxa la socda RAM dhan  4 GB , waxa isna la socda oo gudaha ugu jira  memory 64 GB ah, waxaana lagu kordhin karaa  512 GB oo dheeri ah, waxa kale oo ku jira qayb aanay taleefanada kale lahayn oo loogu talo galay in ay dadka Games-ka ciyaaraa ku shubtaan Games-ka, taas oo qaadi karta dhawr Game.

Baytariyga Mobile-kan ayaa saacaddii qaadan kara dab dhan 5000 MAH oo dab ah, waana Baytari si deg deg ah u dabaysmi kara ,sidoo kale 18 Waat ayuu ku ridi karaa markasta oo dabka la geliyo , kuwaas oo dheeri u noqonaaya dabka taleefankan.

Taleefankan ayaa ka kooban  ilaa saddex midab oo kala duwan, kuwaas oo loo sameeyey hab soo jiidasho leh.

Taleefankan ayay raacsan yihiin buuggaag yar yar oo luuqaddo kala duwan ku qoran, kuwaas oo ka jawaabaaya saddex su’aalood oo kala ah Goorma, Xagee, iyo sidee, kuwaas oo kaga jawaabaaya su’aalahaas  iyo habka aad u isticmaalayso taleefankan, iyada oo inta badan ay shirkaddaha Shiinuhu raacaan nidaamkan tilmaamaha buuggaagta oo dhowaan lagu soo kordhiyey.

Leave a Reply