Qalab Carruurta Ilaalinaaya Dhalashadooda Ilaa Intay Soconayaan Oo Lasoo Saaray

0
428

Waxa dhowaan tijaabadii ugu horeeyey galay qalab yar oo lagu magacaabo  CuboAi ,kaas oo ah Kamarad carruurta yar yar loogu talo galay in lagu ilaaliyo, laga soo bilaabo marka ay dhashaan ilaa ay socod baranayaan,waxaana si fudud loogula socon karaa dhaq dhaqaaqyada ay habeenkii sameeyaan, iyo cid walba oo dul tagta,waana Kamarad ay ku xidhan tahay saacad iyo qalab kale oo digniin bixinaaya haddii ilmahaas cid kale usoo dhowaato,iyada oo si fudud loogu ilaalin karo carruurta, sidoo kalena ay waalidiintu ku nasan karaan,waxaanu waalidka siinayaa waqti badan oo uu ku nasan karo, iyada oo ay meesha ka baxayso ilaaladdii badnayd ee Ilmaha ay ilaalin lahaayeen.

Kamaradan ayaa ilmaha yar u ilaalinaysa hab sawir ahaana iyo hab cod iyo muqaal ahaana, waxaana lagu xidhayaa Mobile-ka gacanta, iyada oo ay kamaradaasi sawirka ilmaha usoo dirayso Waalidka, sidoo kalena u sheegayso xaaladda uu ku sugan yahay,gaar ahaana marka uu ooyo iyo marka uu waxyaalo kale dareemoba, waxaanay awoodaa in ay aad u soo dhoweyso wejiga ilmaha iyada oo soo sawiraysa, waxa kale oo ku xidhan Kamaradan Microphone ay waalidku ilmahooda kula hadli karaan, iyaga oo dejinaaya marka uu kaco ama ooyo, dhanka kalena waxa ay awood u lee dahay kamaraddu in ay sheegto heer kulka qolka ilmaha yar, iyada oo markasta oo uu kaco ama is rogo ka qaadaysa sawiro aad u nadiif ah oo qurux badan, kuwaas oo ay qaarkood waalidkii u dirayso, halka ay sidoo kale qaybo kamid ahna ku kaydinayso qaybta xusuusta ee Kamaradda.

Marka uu ilmuhu weynaado ee uu socdo ,waxa sidoo kale kamaradan lagu xidhayaa qalab weyn oo la jaan qaadaaya da’da ilmahaas, qalabkaas oo lagu magacaabo Ai, waxaanay kamaradda iyo qalabka ku xidhani soo dirayaan digniino marka ilmahan yari galo meelo khatar ah,sida madbakha iyo goobaha kale ee Shooladduhu yaallan oo kale, iyada oo sidoo  dhinaca kalena u ogolaan karta meelaha caadiga ah.

Kamaradan ayaa ka kooban Cubo Baby Monitor oo Kamarada lafteeda ah, Jaajarkeeda dabka iyo xadhi kale oo loogu xidhi karo Mobile-ka gacanta, iyada oo la dhigi karo meel walba oo uu qofku doono, waxaana lagu rakibayaa caag adag oo u diidaaya in ay dhaq dhaqaaqdo, marka laga reebo qaybta sare ee kamarada oo iyada dhaq dhaqaaqa loogu talo galay,waxaana la dhigayaa sariirta ilmaha yar dhinaceeda, sidoo kalena waxa lagu xidhi karaa xaga sare ee sariirta

Kamaradan Cubo Ai waxa ay qaadi kartaa sawiro nadiif ah oo saafi ah sidaynu hore usoo sheegnay, kuwaas oo ay meelaha dhow dhow iyo meelaha fogba ka qaadi karto, sawiraddaas oo nidaamka HD-ga ah,waxaana la socda App ay isku fahmi karaan Mobile-ka iyo kamaraddu,iyada oo si fudud wax u duubi karta habeenkii, iyada oo laydh u saamaxaaya in ay wax sawirto oo duubto leh habeenkii, waana qalab ay hooyada iyo aabaha kaga yaraan karaan masuuliyadda ilmaha yar, gaar ahaana xiliga uu aadka u yar yahay, waxaanu waqtigan qalabkani ku jiraa tijaabo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply