Golaha Wakiillada oo Cod Aqbalibiyad ah ku Ansixiyey Wasiirka Warfaafinta

0
411

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Xasan Nuur.

Fadhigii shalay ee golaha wakiiladda oo ay ka soo xaadireen 53 xildhibaan ayaa waxa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, taasoo xildhbannadu cod gacan taag ah ay u qaadeen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md Maxamed Muuse Diiriye, waxaana ogolaaday 44 xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 xildhibaan, islamarkaana ay diideen 7 xildhibaan, guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaas ayaanu ku ansaxay.

Geesta kale xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Axmed Xasan Nuur, waxaana ogolaaday 52 xildhibaan halka aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna aanu codeyn sidaana uu ku meel maray.

Codeynta ka hor Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigalinta Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa xildhibaannada uga warbixiyey hawsha qaran ee ay qaranka u hayaan, waxaanu sheegay in muddadii uu wasaaradda joogay ay waxyaabo badani u hirgaleen, wuxuuna xusay in ay ka shaqaysiiyeen qalab soolar oo dabka lagaga dhallinayo wasaarada islamarkaana ay dayactir ku sameeyeen mishiibnada siraada Wasaaradda qaarkood oo fadhiyey.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray idaacadda quraanka kariimka ah ay idaacadda Radio Hargeysa la wadaagto si wararka ka baxa Radio Hargeysa looga dhegaysto dhamaan gobollada dalka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in idaacada iyo telefishankaba ay ku soo kordhiyeen barnaamijyo kala duwan oo bulshada lagu dhiirgalinayo aqoontoodana kor loogu qaadayo

 

 

Leave a Reply