Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka

0
685

Hargaysa (Dawan): Kal-fadhigii golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay ayay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2020-ka.

Fadhiga golaha wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo muqul ka mida uu soo gaadhay wargeyska Dawan, waxaa ku saxeexnaa af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka waxaa golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Taasoo cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada.

Waxaanay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), isla markaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo dood iyo falanqayn dheer kaddiba waxa uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna.

Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taasoo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah.

 

 

Leave a Reply