Taliyaha Booliska oo Joojiyay Muddaharaad Sharci Darro ah oo Xisbiga WADDANI Ku Baaqay

0
520

Guddoomiyaha Maroodijeex iyo Maayerka Caasimadda Hargeysa oo si adag uga Hadlay isu soo bax uu ku baaqay Xisbiga Waddani

 

 

Hargeysa (Dawan) Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Sarreeye-guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaji Axmed iyo Maayerka Caasimadda Hargeysa ayaa k hadlay muddaharad n sharci ahyn oo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku baaqay in uu saaka isla markaana taageerayaashiisa ugu yeedhay in ay isugu yimaadaan xarunta xisbigaasi ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Taliye Dabagale oo ugu horrayn ka hadlay muddaharaadka iyo isu soo baxa Waddani ku baaqay saaka, ayuu caddeeyay in uu yahay sharci darro isla markaana aan la isgu iman karin isu soo bx sharciga dalka baalmarsan, sidaasna ciidanka boolisku ay ku joojiyeen isu soo baxa waddani ku baaqay.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabo Gale) oo xalay warbahinta la hadlay, bulshadana uga digay ka qayb qaadashada muddaharaadka sharci darada ah ee guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ku baqay ee uu yidhi. “Waa kalmad ku saabsan nabad-gelyadda aniga oo daba socda hadalkii uu jeediyay, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, taas oo uu bulshadda reer Hargeysa ugu yeedhayay in ay isugu yimaadaan meel goob ah, lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo najaxay dhib iyo hawl ayuunbaa ka timaada, mudaharaadkuna sharci ayuu leeyahay sharci waxaan laheyna yeelimayno, mudaharaad aan sharci laheyn ma yeelayno, ama umadd aan sharci laheyni intay soo urrurto inay waxaay doonto sameyso yeelimeyno.”

Taliyaha oo hadalkiisa sii waya, ayaa yidhi.” Yeelimeyno dadka wanaagsan ee khudradda iibinaya ee danahooda wata ee bulshadda Somaliland noocyadeeda kala gadisan nooca ay doonaan ha ahaadaane in dhibaato halkaasi kaga timaado, oo inta khaladaad leysugu yeedho booliska ay is jiid-jiitaan yeelimayno, mudaharaadka waanu joojiney ma dhacayo, sababta oo ah waa bilaa sharci, bulshaddu danaheeda ha qabsato mudaharaadkaasina sharci maaha ee yaan la isugu imanin”

Waxaa kale oo uu sheegay Taliyha booliska Somaliland in aanay u dul qaadan doonin nin carruurtiisa dibedda gaystay in uu bulshada dhibaato geliyo isla markaana uu ammaanka ku waxyeeleeyo isu soo bax aan sharci ahayn, waxaanu yidhi. “Nin carruurtiisa Yurub geystay ka yeelimeyno bulshadda Somaliland qaybaheeda kala duwan in uu dhib u soo jiido, oo noloshooda ku ciyaaro mana aqbalayno, bulshadda waxaan ugu baaqaya in aanay isugu imanin muddaharaad aan sharci aheyn mudaharaadkaasi wax jira maaha”

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa dhankiisa sheegay in aanu jirin wax codsi ah oo ka soo gaadhay xisbiga Mucaridka ah ee WADDANI kuna soo codsaday in taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI isugu soo baxaan.

Waxaanu intaa raaciyay kol haddaanu jirin wax codsi ah oo xisbigaasi uu ku soo dalbaday isusoo baxa uu ku baaqay in aan isu soo baxaasi sharci ahayn lana qaban karin.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi.Horta waxaa nasiib darro ah in guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo muddo 12 nao ah ahaa guddoomiyaha golaha wakiiladda in uu ku tunto sharciga iyo xeerarka dalka,isla markaana isaga oo aan wax ogolaansho ah aan ka haysan hay’addaha ku shaqada leh in uu ku baaqo isu soo bax aan sharci ahayn,xisbiyadu waa xisbiyo qaran,Xisbiga Waddanina waxaan u haynaa ixtiraam,waa xisbi weyn oo qaranku leeyahay,laakiin marka ay doonayaan in ay isu soo baxyo sameeyaan waa in ay ka dalbadaan hay’adda ku shaqada leh,dalku xeerar iyo qawaaniin ayuu leeyahay dawladda ayaana ka masuul ah amniga dalka.”

Guddoomiyah gobolka Maroodijeex oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi. “Caabdiraxmaan Cirro oo ahaa guddoomiyaha golaha wakiiladda 12 sano oo xeerarkka dalku halka ay ka soo baxaan ah in uu maanta ku baaqo isu soo bax sharci darro ah waa nasiib darro, waxan leeyahay guddoomiye waxaa kuu dhaantay oo kaaga wanaagsanayd in aad bulshada u soo bandhigto himiladaada iyo halka aad higsanayso oo aad umadda wax ka iibiso.”

Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelko) oo isna ka hadlay Muddaharaadka xisbiga waddani ku baaqay,ayaa sheegay dhibaatada ka dhalata isu soo baxa waddani uu ku baaqay wixii dhibaato ah ee ka timaadda in masuuliyadeeda uu qaadi doono guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro,waxaanu yidhi“Waxa nasoo gaadhay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro inuu Taageerayashiisa ugu baaqay in ay Taageerayaashiisa Hargaysa isu soo baxaan,waxaanu leenahay annagoo qadarin u hayna Guddoomiyaha Waddani Magaalada Hargaysa waa Magaalo ganacsi oo dahabkeeda iyo lacagteeduba suuqa ay yaallaan oo Ganacsigeedu xoog u socdo uma baahna isku soo bax iyo dhibaato.ciddii doonaysa in ay samayso Muddaharaad waddo Sharci ayaa jirta oo ay u marto wixii waxa ka sokeeya annagoo ilaalinayna ammaanka dadka Caasimada Umadda danyarta ahi ma qaadi karto Muddaharaad,wixii Mudaharaadkaa ka yimaada iyo dhibaatada halkaa ka dhacda waxa Masuuliyadeeda qaadaya Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaanu leenahay Guddoomiye ka noqo Go,aankaa aad ku dhawaaqday Hargaysi uma baahna rabshad mana qaadi karto wixii Sharciga ka baxsan ee ka yimaada Guddoomiyaha Xisbiga ayaa ka masuul ah.”

 

Leave a Reply