Guddoomiye Baashe oo Sheegay in aanay Cidina Wax Ka Beddeli Karin Qadiyadda Somaliland

0
414

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa si adag uga hadlay wax kasta oo ku lid ah qarannimada Somaliland oo ah lama taabtaan cid kasta oo ku kacda in aan looga dul qaadanayn isla markana tallaabo adag laga qaado doono oo la marin doono shuruucda qarankan uga meel yaalla.

Waxaa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay dhaqan Somaliland ku cusub oo muddooyinkan dambe dalka Somaliland ku soo kordhay oo ah marka uu khilaaf dhexdeena ahi soo boxo in qaylo dhaan dibedda loo dirto oo loo yeedho Midawga Yurub,taas oo uu sheegay in ay ka baxsan tahay wixii Somaland ay ku soo dhisantay ee ay kaga duwanayn dalal badan oo Afrika ah

Guddoomiye Baashe,waxaa uu u soo jeediyay asxaabta qaranka in loo noqdo dhaqankii Somaliland ku soo dhisantay oo arrimajha gudahena aynu innagu dhammaysano,waxaaanu yidhi. “Khilaafaadka jira ee gudaheena waxaa weeyaan waxaa aynu ku dhammeysaneynaa gudaheena, nasiibdarro waxaa bilaabantay baryahan danbe in loo yeedho EU-da oo loogu yeedho wixii khilaaf dhexdeena ka dhaca ee aynu dhammeysan jirnay.

Waxaa weeye wixii khilaaf ah ee dhexdeena ah in geed hoostii aynu ku dhammeysano, waxaa aynu Soomaaliya kaga duwannahayna waa geedka hoostiisa aynu wax ku dhammeysaneyno ee aynu ku xalino Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland tiibaana lagu noqonayaa dulqaad waa leysu dulqaadanayaa, waxa weeye xisbiyadda Qaranka waxaa aynu u sameysaney in qabiilka lagaga tago”

Gudoomiye waxaa uu sheegay in aanay Qadiyadda Somaliland waxba ka beddelayn dhallinyaro iyo siyaasiyiin u safra magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaanu yidhi “Wixii kale ee dhexdeena ah waa loo dulqaadanaya hase ahaate laakiin Qarannimadda Somaliland ama madax ha ahaado, ama madax dhaqameed ha noqde ama siyaasi ha noqdee ciddii ka hortimadda Qarannimadda Somaliland waxaa la marinaya shuruucda waddanka u taalla loona dulqaadan maayo, qof dhallinyaro ah oo Xamar qabtaana wax uu Somaliland ka bedelayaa ma jirto, ama siyaasi ha noqdee ninkii Xamar tegaya isaga ayay jirtaa, laakiin qadiyadda Somaliland waa lama taabtaan, waaney dhacdaa oo ninkii shaqada laga eryo ama cadhooda Qarannimadda wuu iska tuuraa hase ahaate Qarannimadu wax tegaysa maaha ee waa loo soo dhintay, waa loo soo dedaalay cidna looga haybadeysan maayo, dhalinyaradda reer Somalilandna uga baqi maayo in ay Qadiyadooda siisanayaan 10-kun iyo 5-kun”

 

 

 

 

Leave a Reply