DP World oo Sheegtay in Dekedda Berbera ay ka Dhigayso Marinka ugu Muhiimsan Geeska Afrika

0
714

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto mid casri ah oo heer caalamiya, isla markaana ah Marinka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay East African Business Week, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA). Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr. Federico Banos-Linder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.

Mr. Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla markaana ay hadheen laba qaybood oo kale.

Sarkaalka u hadlay DP World wuxuu sheegay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas.

“Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,” ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr. Federico Banos-Linder.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah, waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah, waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta, noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

Leave a Reply