Boqorka “ Waxaan Ka Baraty Qiimaha Qanaacada”

0
604

Boqorka ayaa doonayay inuu soo kormeero bulshadiisa, waxaana uu la kulmay nin beerlay ah oo aad u faraxsan. Boqorka ayaa ku yidhi “ waxa kaa muuqata farxad badan, beertase ma adigaa iska leh ?”  Ninkii ayaa ku jawaabay maya , waan ka sheqeeyaa.

Boqorka ayaa weydiiyay imisaad ka qaadataa, shaqadan badan? Waxaan uu ugu jawabaay 4 Ginni.  Boqorka ayaa ku yidhi “ Ma kugu filan tahay “? , waxaana uu ku jawaabay haa way igu fian tahay.

Waxaana uu yidhi , hal Ginni masaariif ayaan ka dhigtaa, midna dayn ayaan iskaga bixiyaa, mid kale anigaa daymi kuwo baahan, midna sadaqad ayaan ula baxaaa.

Boqorkii aya yidhi “ maan fahmine ii faahfaahi”? waxaan uu ku yidhi :” Midka aan masruufto Aniga iyo Xaaskayga ayaa ku nool. Midka aan daynta ku bixiyana waxaan siiyaa, labada waalid ee isoo koriyay, markaan yaraa, Midka  aan daynta kuu sii bixiyana waa ka aan ku biiliyo caruurtayda, dharkooda, cuntadooda, waxbara-shada, si markay weynaadaan iigu soo celiyaan.
Kan aan sadaqaystana waxaan siiya laba hablood oo walaaalo ah oo buka.

Boqorkiina aad buu ugu farxay xikmada odayga beeralayda ah, waxaana uu siiyay abaalmarin lacag ah.  Boqorka ayaa yidhi “ Waxaan ka bartay odayga beerlayda ah qiimaha qanaacada, jacaylka shaqada, iyo sida aad hawshaada u nidaaminayso si aad ugu guulaysato aduun iyo aakhiroba”

 

 

Leave a Reply