Golaha Guurtida oo Cod Aan Diidmo iyo Aamus Lahayn Muddo kordhin Ugu Sameeyey Golaha Wakiilada

0
492

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Golaha Guurtida Somaliland,ayaa muddo kordhintii ugu codka badnayd muddo xileedkooda ugu kordhiyay golaha wakiiladda Somaliland ka dib markii ay shalay fadhi aan caadi ahayn yeesheen mudaneyasha golaha Guurtida Somliland.

Fadhiga shalay ee golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddomiyaha golaha Guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, islamarkaana ay ka soo xaadireen 71-mudane oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golahaai, ayaa muddo kordhin laba sano ah u sameeyay golaha wakiiladda Somaliland, kuwaasi oo muddo xileedkoodu ku eeka dabayaaqada sanadkan 2019-ka.

Fdhigii shalay ee golaha guurtida ayaa intii aanay codka u qaadin muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiiladda, waxaa golaha warbin siiyay guddi goluhu hore ugu saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta dastuuriga ah ee loo samaynayo golaha wakiiladda oo ka koobneyd 31-xubnood, waxaanay golaha u akhriyeen inta ay u arkeen in ay munaasib ku tahay in loo kordhiyo golaha wakiiladda.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtidda Somaliland mudane Siciid Jaamac Cali kana mid ahaa gudida arrintaas loo xilsaaray ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka ay gudidoodu u guda galleen hawshaasi iyo kullamo ay la qaateen guddida doorashooyinka Qaranka iyo xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE, halka ay labada xisbi ee mucaaridku ay ka maqnaayeen.

Intaa kadib guddoomiye Saleebaan ayaa codsaday in gacanta loo loo taago soo jeedinta ah in mudaneyaasha golaha Wakiillada loo kordhiyo muddo 2 sanadood ah, waxaana u codeeyay oo gacanta u taagay, islamarkaana ogolaaday 70 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhaqan-galaya muddo kordhitaasi.

Muddo xileedka labada sano ah ayaa billaabmeysa bisha koobaad ee sannadka ee sannadka 2020-ka iyadoo dhammaan doonta marka la gaadho bisha koowaad ee sannadka 2022 ka.

Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijadda muddo kordhinta golaha wakiiladda waxaanu yidhi “Laba sanadood in lagu kordhiyo mudada xilka ee golaha wakiiladda, inta ogoley gacanta taag, inta diidaney gacanta taag, inta ka aamustayna gacanta tag, waxaa ogolaaday 70-mudane, aniguna maan codeynin, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirto, 71-kaasi ayaynu ku fadhinaa sidaasi ayuu ansax ku yahay muddo xileedkii loo sameynayay golaha wakiiladda Somaliland”

Muddo xileedka loo kordhiyay shalay golaha wakiiladda Somaliland ayaa noqonaysa muddo kordhintii ugu horraysay ee mudaneyaasha soo xaadiray ay dhammaantood haa ugu codeeyaan isla markaana any jirin cid ka amustay iyo cid diidday midna waxaana haa ugu codeeyay 70 mudane iyadoo ay goob joog ahaayeen 71 xildhibaan halka aanu guddoomiyuhu codayn, waxaanay noqonaysa muddo kordhintii ugu horraysay ee xildhibaada golaha guurtidu isku wada raaceen isla markaana codkii ugu badnaa ku meel mariyeen.

Leave a Reply