“Maanta Muuse Maaha Mujaahidka Raga Qaar Sheegaane Waa Madaxweynihii Qaranka” Guddoomiye Saleebaan

0
395

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa si adag uga hadlay hadalada aflegaadada ah ee hawada loo mariyo Madaxweynaha qaranka oo uu sheegay in ay gef iyo meel ka dhac ku tahay qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay danbi qaran tahay in la yidhaahdo shir beeleed ayaan qabanaynaa cidda hadalkaa ku dhawaaqdana ay tahay qaran dumis u baahan in tallaabo adag laga qaado.

Waxaa kale oo uu madaxdhaqameedka Somaliland u soo jeediyay in ay ka waantoobaan hadalada qabyaaladaysan ee ay warbaahinta la soo taagan yihiin ee bulshada kala qaybinaya, waxaanu kula taliyay in ay ka shaqeeyaan isu soo dhawaynta bulshada.

Guddoomiye Saleebaan oo ugu horrayn ka digay cayda Madaxda Qaranka iyo ceebynta, ayaa yidhi. “Waar Qaran intaa is caayaya madaxdiisi xagu ku socda madaxweynaha ayaa ugu horreeya, maalin walba madaxweyneheenii ayaynu jafeynaa madaxweynaha dee innaga ayaa dooranay, innaga ayuu meesha inoo fadhiya bulshaduu metelaa, midnimada ayuu u taagan yahay, haddii aynu isagii ceyno ma bulsho ayaa jireysa marka hore ayaynu tartan gallay kii innoogu soo baxay waa madaxweynaheenii waa in aynu xanbaaranaa oo la hawlgalla erayga xunna halaga daayo, Muuse Biixi maaha maanta Muusana maaha Mujaahidka rag sheegaanna maaha waa madaxweynihii Qaranka, ee xurmaddiisa halla siiyo xurmadda madaxweynuhu waa Qarankii oo dhan oo aad xumeysay waa midnimadii oo aad ayidday weeye, madaxweynaha oo kaliya maahe kuwa kalena waala raaciyaa marka doono hase ahaate madaxweynaha ayaa ugu nabarra badan, waar aan madaxda dhawrano”

Guddoomiye Saleebaan oo la hadlaayy madaxdhaqameedka ayaa yidhi. “Waxaa hadda batay madax-dhaqameed iyo waxgaradkii bulshadda oo ILLAAHEY carabkooda uu ku salliday Qabyaaladd, iyo qaybin, iyo naceyb abuur, dee waaryaadha ha joojiyeen haddii madax dhaqameedkii reeruhu iyagu innoogu baaqaan qaybinta sidaynu ku heshiineynaa, waxaanu ka codsaneyna innaguna aynu ku hawlgalaynaa inay joojiyaan oo bulsho mideysan aynu abuurno.

Waxaa kale oo ii raaca maalmahan waxaa soo baxay wax aynu bari hore ka tagnay oo Shir-beeleed ayaanu qabanayna, waaryaadhaheen miyaynaan Shir-beeleed ka gudbin oo aynaan asxaab sameysan, goleyaal xeer dajineed beynu sameysaney kuwaas ayaa beddelay waa xaaraan, ka soo qaadaana waa danbiile, xilka marka aynu ku filaan weyno waa leyna bedeli doonaa, laakiin xilka waa in lagu filaadaa iyo ummadda guud ahaan iyo Qaran ahaanba”

 

Leave a Reply