Madaxweynaha Somaliland oo Gudida Doorashooyinka Dardaaran Qaran Faray

0
747

Hargeysa(Dawannews:com):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi,ayaa dardaaran qaran faray gudida doorashooyinka Somaliland ee cusub ka  dib markii maanta lagu hor dhariyay Madaxweynaha qaranka hortiisa.

Mudane Muuse Biixi oo la hadlay komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku adkeeyay in ay caddaalad iyo sinnaan ugu shaqeeyaan asxaabta qaranka iyo guud ahaan umadda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ka sheegay qoraal kooban oo uu galabta ku baahiyey bartiisa Twitterka oo Dawannews warkan ka soo xigtay.

Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in xubnaha komishanku ay dhaarteen isla markaana maanta laga bilaabo looga baahan yahay inay dhex iyo garsoor u noqdan bulshada iyo xisbiyada oo dhan.

Waxa kaloo uu Madaxweynuhu ILAAHAY uga baryey inuu Komishanka ku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee Qaranku u igmaday.

“Waxa aan idinkula dardaarmayaa caddaallad iyo garsoor xaq ah. Rabbi ha idinku idinku guuleeyo hawsha baaxadda leh ee Qaranku idiin igmaday,”ayuu yidhi Madaweyne Muuse Biixi

Dawannews.com

Hargeisa Somaliland

Leave a Reply