“Waxaanu Aragnay wax Sheeko Nagu ahaa oo ku Saabsan Somaliland” Alaham Kanuto

0
400

By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (DAWAN)- Xubno kamida Golaha Wasiirrada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka qaybgalay kulan balaadhan oo lagu qaabiley wefti ka socda Baarlamanka dhalinyarada Afrika oo booqasho saddex maalmooda ku yimi dalka, kaasoo maalintii shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo weftiga Dhalinyarada ah loogu soo bandhigay taariikhda dalleed iyo horumarka Jamhuuriyada Somaliland, waxa ka qaybagalay, Wasiirrada Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mirre, horumarinta Waddooyinka iyo Gaadiidka, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheikh Cabdilaahi iyo waliba masuuliyiin iyo aqoonyahan tiro badan oo ka socday qaybaha bulshada.

Md. Maxamed Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo markii kulankaasi la soo gabagabeeyey faahfaahin ka bixiyey arrimaha ujeeddada loo qabtay iyo waxyaabaha lagu soo bandhigay ayaa sheegay in weftiga ka socda Baarlamanka dhalinyarada Afrika oo sidoo kale kala metelaya shan Waddan oo kamida qaarada Afrika, madashaasi si mug leh loogu bandhigay xog dhamaystiran oo ku saabsan Somaliland, taasoo isugu jirta taariikh iyo xoggo kale oo xambaarsan marxaladihii dalku soo maray.

Wasiir Aadan ayaa isagoo arrimahaas sharaxaya yidhi “Runtii kulankan waxa lagu soo bandhigayey qadiyada Somaliland wixii ay sharci u leedahay iyo jiritaankeeda in adduunka loo sheego, iyada oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno aad ugu xeel-dheer taariikhda Somaliland, baxsi badan iyo baadhisna soo sameeyey, halkana ku tusay ka qaybgaleyaasha isugu jira Baarlamanka dhalinyarada Afrika iyo madaxda qaranka, waxa runtii la qaadi karo oo muhiim ah, wax badana tari kara aqoonsiga iyo jiritaanka Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Wasiirku “Weftigan ka socda Baarlamanka Dhalinyarada Afrika oo ka socda shan wadan intii ay joogeen waxa ay la kulmeen hay’addo badan oo dawladdeed, wasaaradda arrimaha dibada, Baarlamanka iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha, waxaanay qireen in dalka Somaliland uu yahay dal aad iyo aad u horumaray dadkiisuna yihiin dad wax badan qabsaday.”

Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay in marti-qaadka weftigan uu Madaxweynuhu fidiyey, ujeeddaduna ay tahay horumarinta qadiyada madaxbanaanida dalka, waxaanu yidhi; “runtii waxa soo dhaweyntooda iyo qaabilaadoodaba qayb weyn ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo aad ogtihiin sida uu diyaarka ugu yahay horumarinta Qaranka iyo xaqiijinta shuruucda, iyadoo wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurku u xilsaaran tahay in ay caalamka xidhiidh kala yeellato Baarlamaanada ka jira, iyadoo aynu hore uga qaybgalnay kulanka labada aqal ee Baarlamanka Ingiriiska iyo wadamo kale oo badan, taasoo kamida waajibaadka ay xukuumaddu leedahay in aan bulshada caalamka kala shaqayno sidii aynu xidhiidh ula samayn lahayn”

Gabagabadii Dhalinyarada ka socday Baarlamanka Afrika ayaa bilad-sharafyo guddoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo kamida aqoonyahanka dalka iyo xubno kale oo kamida mudankii ka qaybgalay kulankaasi, iyadoo dhankoodana ay madaxda dawladdu dhalinyaradaasi guddoonsiiyeen nuqulo kamida taariikhda Somaliland, calanka iyo waliba agab kale ka turjumaya qadiyada iyo khariirada Jamhuuriyada Somaliland.

Geesta kale, weftigan ayaa maalintii Sabtida xarunta goleyaasha Baarlamanka kula kulmay guddi-hoosaadka arrimaha dibada ee golaha guurtida, halkaasoo ay kulan xog-waraysi ah kula yeesheen xubnaha guddida.

Guddoomiyaha Guddida arrimaha dibada ee golaha guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo warbixin dheer halkaa uga jeediyey weftiga ayaa ku dheeraaday taariikhda hal-xidhaalaha ku ah caalamka ee ay Somaliland leedahay, waxaanu dalbaday in ay urrur ahaan iyo ashkhaas ahaanba wadamadoodii u bandhigaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee ay dalka ka barteen.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, ku adkeeyey xubnaha weftiga in ay ka shaqeeyaan sidii ay Somaliland xubin uga noqon lahayd Baarlamanka dhalinyarada Afrika, waxaanu intaasi raaciyey in ay dal ahaan diyaar u yihiin in ay marti-geliyaan shirarka soo socda ee Baarlamanka Dhalinyarada, kuna rejjo weyn yihiin suurto-galnimada qorshahaasi.

“Waxaanu hirgelinay waxa ay samayso maskax bina-aadam wixii ugu wanaagsanaa oo ah nabad iyo horumar ka tisqaaday mandaqad ay ku xeeran yihiin khataro badan oo ay kamid yihiin Budhcad baddeed iyo Alshabaab” ayuu yidhi mudane Indho-indho oo la hadlayey weftiga. waxaanu intaasi raaciyey “waxaanu boolis u nahay Wadamada Geeska Afrika, sida Djibouti iyo Itoobiya oo aanu kaga dayranahay Argagixisada iyo kooxaha kale ee ka jira Soomaaliya”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa xusay in Somaliland ay ka qaybgelayso shirweynaha guurtida ee wadamada barwaaqo soorranka, waxaanu yidhi “Waxa qorshaha noogu jirta in aanu ka qaybgalno shirka Guurtida wadamada Barwaaqo sooranka oo nalagu casuumay”.

Xubno u hadlay weftigan ayaa si xamaasadi ku dheehan tahay uga dareen-celiyey warbixinta ay guddidu siisay, waxaanu balan qaadeen in ay hay’addaha dawladda ee dhanka maamulka iyo warbaahinta dalalkooda u bandhigi doonnaan waxyaabaha ay Somaliland ka bartaan muddada ay jooggaan, “waxaanu aragnay wax sheeko yar oo kooban nagu ahaa oo ku saabsan Somaliland, oo ay kamid tahay nabad-gelyada, horumarka ganacsiga iyo dadka wanaagsan ee gobta ah” ayuu yidhi hogaamiyaha weftigan Oiylang Alaham Kanuto.

Leave a Reply