Somaliland oo Ka Qayb-gashay Shirka Horumarinta Dhalinyaradda Afrika

0
405

Accra (Dawan): Waxaa shalay magaalada Accra ee Caasimada Dalka Ghana lagu soo gabagebeeyay shirkii dhalinyarada Siyaasiyiinta ah iyo Hogaamiyayaasha mustaqbalka ee Qaaradda Afrika. Kaasoo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyaradda Siyaasiyiinta ah ee mustaqbalka Africa iyo xidhiidhka Hogaamiyayaasha dhalinyarrada ah ee Africa “YALPN”.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan dalalka ka tirsan qaarada Afrika waxaa xusud mudan in Somaliland ka mid ahayd wadamada calankooda laga taagay wadanka Ghana oo marti galinayey shirkan.

Iyadoo wafti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ay ka qayb galeen shirkaas. Kuwaasoo qadiyadda iyo Taariikhda wadanku leeyahay ku soo bandhigay madashii shirka taas oo sabab u ahayd in buugaagtii shirka lagu soo daabaco calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku dhex jira calamada wadamada Africa.

Waftiga ka socday Somaliland oo ka koobnaa saddex xubnood oo kala ahaa Fahmi Qaasim Maxamed, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Liiban Yuusuf Cali Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha iyo Cabdifataax Maxamed Cabdiraxmaan Agaasime ku xigeenka Waaxda Isgaadhsiinta.

Shirkan oo socday muddo labo cisho ah waxaa si rasrmai ah u furtay Wasiirka Horomarinta arrimaha bulshada iyo ilaalinta xuquuqda caruunta Marwo Nana Owi Lithyur.

Mudadii uu shirku socday waxaa diirada lagu saarayey arrimo fara badan oo khuseeya horumarinta dhalinyarada afrika iyo sidii loogu diyaar gareyn lahaa hogaanka wadamadooda ee mustaqbalka.

John Dramani Mahama, oo ahaa Madaxwaynihii hore ee Dalka Ghana ahna Murashax Madaxwayne ee Doorashada soo socota ayaa ka mid ahaa Madaxdii lagu casuumay shirka.

Isagoo halkaa ka jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa dulucdeeduna tahay doorka dhalinyaradda Afrika ay ku yeelanayaan horumarinta Qaaradda Afrika.

 

 

 

 

Leave a Reply