Xildhibaan ku Baaqay in Tallaabo laga Qaado Dadka Faafiya Dacaayaha Qaranka

0
463

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gudida Difaaca Sirdoonka iyo Amniga ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdikariim Aw Cali Shabeel ayaa ugu baaqay Xukuumadda in talLaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka caadaystay dalka inay ka fidiyaan Dacayaadaha aanay waxba ka jirin.

Cabdikariim Aw Cali Shabeel, ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad qurbe joog ah oo dalka dibeddiisa ku sugan oo faafiya warar dacayad ku ah qaranka Somaliland oo aan jirin.

Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo Shalay u Waramayay Wargayska Dawan oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi.“Xaaladda guud ee dalku maanta maalin ay ka Wanagsantahay ma jirto laakiin waxa jira qaar ka mid ah dadka dalka dibeddiisa ku sugan, gobol kasta haka tagaane oo ah kuwa faafinaya daacaayado aanay waxba ka jirin oo raqiis ah oo ay ka fidiyaan waddanka Somaliland.waxaanad mooddaa in aanay waddanka lahaynba waxa kale oo jira dad warxun fidinaya oo dacaayado Qabyaalad ku salaysan oo aan waxba u tarayn dad iyo dalba waxaanay waxyeelo ku leeyhiin Sumcada iyo Qarannimada Somaliland waana in Xumuumaddu tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaado.”.

Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu sheegay in dalka dib u dhac uu ku keenayo Salaadiinta iyo odayaaal dhaqameedka ka hadlaya Siyaasada.Waxaana uu yidhi

“Maalin walba Suldaan iyo oday aan Siyaasada waxba ka ogayn ayaa meel walba ka hadlaya markaa waxa Xukuumadda aan ku boorrinaynaa in tallaabo adag laga qaado dadka caynkaas ah, Shacabka Somaliland waxa aan usoo jeedinayaa in aanay dheg u dhigin dadka caynkaas ah ee Qaran dumisnimada wada waxaasina dib u dhac ayuu ku keenayaa dalka waana in aan dadka naxli la galin oo dadka dhexdiisa nacayb lagu kala dhex abuurin fidmo in la abuuro maaha,”.

Dhinaca kale Xildhibaanku ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulamo Gudida Difaaca Sirdoonka iyo Amniga ee Golaha Wakiilada dhawaan la soo yeesheen gudiyada Nabedgalyada ee Gobalka Awdal.waxaana uu yidhi“Sida xaqiiqda ah waxaanu socdaal ku tagnay Gobolka Awdal gaar ahaan Magaalada Boorama waxaanan la kulanay Gudida Nabedgalyada ee Gobalka Awdal,waxaa kale oo aanu la kulanay Masuuliyiin kale arimihii aanu ka wada hadalnay iyo xogwarankii aanu la soo yeelanay waxaanu u gudbin doonaa Golaha Wakiilada iyo Qaybaha ay khusayso arimaha Nabedgalyada ee Masuuliyiinta Qaranka waxa kale oo aanu ku talo jirnaa in aanu safari ugu baxno gobalada kale ee dalka,”.

 

 

Leave a Reply