Xisbiga KULMIYE oo Iftiimiyay Cidda Sababtay Muddo Kordhinta Wakiiladda

0
403

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta golaha guurtida Somaliland shalay ay u sameeyeen golaha wakiiladda

Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi dheere oo ka hadlay muddo kordhinta Guurtidu u samaysay golaha wakiiladda, ayaa sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiiladda Somaliland in u sabab u yahay xisbig Mucaridka ah ee WADDANI oo ay ka qabsoomi waayeen doorashooyinka wakiilada iyo goleyaasha deegaanka

Waxaanu intaa ku daray in ka xisbi KULMIYE ahaan in ay diyaar u yihiin in doorashooyinku ay qabsoomaan isagoo asxaabta mucaaridkana u soo jeediyay in laga wada shaqeeyo in doorashooyinku ay qabsoomaan, waxaanu intaa raaciyay in ay soo dhawaynayaan muddo kordhinta loo sameeyay golaha wakiiladda isla markaana uu sharci yahay waxa ka soo baxa golaha guurtidu.

Waxaanu yidhi Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE.“Waddan ayaynu nahay oo Sharci ayaynu leenahay Muddo kordhintaa Golaha Guurtida u kordhisay Golaha Wakiilada waa sharci waa hay’addii dalka ugu sarraysay hadaanu nahay Xisbiga KULMIYE waxa Golaha Guurtida ka soo baxa waanu Taageersanahay waana sharci cid diidi kartaana ma jirto,Doorashooyinkii inoo dhici lahaa ee Golaha Wakiiilada iyo Goleyaasha Deegaanka waxa ay ka qabsoomi waayeen maaha Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ee waxaa kordhiyay Xisbiga Waddani oo halkaa soo gaadhsiiyay maalin Komishanka Doorashooyinka lagu murmo iyo maalin hebel lagu murmo laba Sannadood ayay naga qaadatay. haddaanu Xisbiga KULMEYE nahay diyaar ayaanu u nahay in la qabto wakhtiga Doorashooyinku ku qabsoomayaan, waxaanay ku xidhantay saddexda Xisbi oo heshiiya siday Doorashadu u dhici lahayd oo la Shaqeeya Komishanka Doorashooyinka waxaanan leeyahay Xisbiyada Mucaaradka Doorashooyinkii ha inoo dhacaan dad badan ayaa sugaya oo doonaya in Doorashadu qabsoonto ed,”.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply