Bukaan laga soo saaray kelli Miisaankeedu la mid yahay laba caruur ah oo dhalatay

0
543

Dhakhaatiirta dalka Hindiya ayaa qof bukaan ah ka soo saaray kelli culeyskeeda uu dhan yahay 7.4 kiilo. Miisaanka killidan ayaa waxaa uu la mid yahay laba caruur ah oo markaas dhashay.

Waxaa la aaminsan yahay in killidan ay tahay tii ugu weyneyd ee lagu soo saaro dalka Hindiya, maadaama killida caadiga ah miisaankeedu yahay inta u dhaxeysa 120 ilaa iyo 150 garaam.

Qofka bukaanka ah ee laga soo saaray killida ayaa la sheegay in uu la xanuunsanaa nooc ka mid ah xanuunada ku dhaca killiyaha, taas oo keentay in buro ay ka dul baxdo killida.

Mid ka mid ah dhakaatiirta fuliyay qalliinka ayaa sheegay in killiyaha noocan oo kale ay tahay wax caadi ah marka loo eego xanuunka.

Hasa yeeshee diktoor Sachin Kathuria oo ka tirsan isbitaalka Ganga Ram ee dalka Hindiya ayaa sheegay in guud ahaan aanay wanaagsaneyn in la bixiyo xubnaha jirka, haddii aanay jirin calaamado muujinaya caabuq iyo in dhig uu ku daadanayo gudaha jirka.

“Bukaankan waxaa haleeyay caabuq aad u daran, killida weynaatayna waxay keentay in naqaska uu ku dhago bukaanka, marka wadda kale nooma banaaneyn aan ka ahayn in aan bixino,” ayuu yidhi.

Dr Kathuria ayaa intaasi ku dartay in dhakhaatiirta ay filayeen killi weyn markii ay qalniinka sameeynayeen balse markii ay arkeen xubintaan ay soo saareen la yaab ayay ku noqotay.

“Killidiisa kale ayaa xitaa ka weyn”, ayuu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in killidii ugu weynayd dunida ee qof laga soo saaro ay ahayd 4.5kg inkasta oo joornaalka xubnaha uu qoray inay jiraan killiyo xitaa tan ka sii weyn oo mid Maraykanka qof laga so saaray ay ahayd 9 kiilo halka mid kale oo Netherlands qof laga soo saarayna ay gaadhaysay 8.7kg.

Leave a Reply