9 jirka jaamacad ka qalinjabiyey ayaa ka hadlaya sida ay ugu suurtagashay

0
900

Laurent marka uu dugsiga hoose galayey wuxuu ahaa afar jir. Hase yeeshee carruurta ay isku da’da yihiin iyaga oo aan dugsi sare dhammaynin ayuu Laurent jaamacad ka qalin jabinayaa.

Lix sano markii uu jiray ayuu dugsi sare ku biiray, waxbarashada dugsiga sare ee ku qaadan lahayd lix sano wuxuu ku dhammeeyey 18 bilood.

Wiilkan yar marka uu muddo 6 bilood ah nastay wuxuu ku biiray jaamacad.

Laurent oo jaamacadda ku biiray sideed bilood ka hor, wuxuu ka qalin jabinayaa sagaal bilood kaddib wuxuuna ku qalinjabinayaa shahaadada kowaad ee cilmiga Injinineeriyadda Korontada (Electrical Engineer).

Wiilkan yar isaga laftiisa ma garanayo sababta keentay inuu sagaal bilood waxbarashada Injineerka Korontada uu kaga qalin jabiyo.

Wareysi uu BBC-da siiyayna wuxuu ku yidhi: “Ma garanayo sababta guushan ii hoseedday”.

Laurent isaga oo adeegsanaya teknooloojiyadaha casriga ah wuxuu jecel yahay inta badan inuu baadhitaan ku sameeyo sida uu dadka u caawin karo.

Qalinjabintiisana wuxuu u allifay qalab sahlaya in la cabbiro dhaqdhaqaaqa maskaxda carruurta.

Laurent oo ka soo jeeda qoys Dhakhaatiir caafimaad ka kooban wuxuu qorsheynayaa shahaadadiisa saddexaad inuu ka dhigo dhakhtarnimo.

“Waxaan ku hamminayaa inaan sameeyo xubnaha jirka bani aadamka oo macmal ah, sida wadnaha, kalliyaha waxyaaba lagu beddeli karo ama cimrigooda lagu dheereyn karo”.

Wiilkan maskaxda qeyrul caadiga ah leh waxaa koriyey ayeydii iyo awoowgii,.

“Waxaan ogaannay in wiilkan yar uu hal abuur la yaab leh leeyahay”, ayuu yidhi aabbihii Alexander Simen.

Laurent marka uu waxbarashada dugsiga hoose billaabayey waxay macallimiintiisa qoyskiisa u sheegeen inuu yahay arday yaab leh.

Waxayna waaliddiintiisa isku dayayeen sababta keentay inuu wiilkan noqdo mid aad u maskax badan.

Waxaa aad u sarreysa awoodda xifdineed ee maskaxda wiilkan yar, markii cabbir lagu sameeyey awoodda qabashada maskaxdiisa (IQ) waxay noqotay 145, wuxuuna aad u jecel yahay maaddooyinka Xisaabta iyo Sayniska.

Waxay macallimiintiisa iyo waaliddiintiisaba isku raaceen in aanu aad u xiiseynin luqadaha.

“Isniinta casharrada caadiga ah marka uu fasalka ku qaato Salaasada wuxuu casharkii la tagayaa qaybta Sheybaarka hal abuurka. Guriga marka uu tagana wuxuu akhrisanayaa 8 saacadood oo xidhiidh ah. Khamiistana macallinka ayuu codsi u gudbinayaa Jimcahana imtixaan ayaa laga qaadaa”, ayuu yidhi aabbihii oo xaaladda wiilkiisa ka warbixinayay.

Ardayda kale iney casharrada noocaasi ah xifdiyaan waxay ku qaadanaysaa 9 – 12 usbuuc isagana wuxuu ku dhammeynayaa shan malmood oo keli ah.

Ardayda ay Laurent isku fasalka yihiin laba jibbaar ayey da’ ahaan ka ka weyn yihiin, sidaa darteed wuxuu waxbarashada si gaar ah ugu qaataa fasal kale oo isaga si gaar ah loogu diyaariyey.

Aabbihiina wuxuu sheegay sida carruurta la da’da ah malaha wakhti uu ku ciyaaro, qoyskiisana wax cadaadis ah ma saaraan.

Bartiisa Instagram waxaa ku taxan oo taageero 35,000 oo qof. Wuxuuna saaxiibbadii uu u sheegaa inuu Telefishin wareysi uu la yeeshay.

Ugu dambeyntiina wuxuu aabbihii yidhi: “Laurent wax kasta oo uu yidhaahdo waan sameynayaa weligii isaga oo aan samayn ma joogin”.

 

Leave a Reply