Shirkadda Mersendiis Ee Jarmalka Oo Soo Saartay Gaadhi La Jaajar Garaynaayo Ama La Dabaynaayo

0
530

Shirkadda Mersendiis ee laga lee yahay dalka Jarmalka oo la aas aasay sannadkii 1927-kii , uuna aas aasay ninkii lagu magacaabi jiray Kaar Beenis calaamadeeda ganacsigu  ay kamid tahay calaamadaha ugu caansan calaamadaha gaadiidka waqtigan la isticmaalo, ayaa kaalmaha kowaad ka gashay shirkaddaha ugu horeeya ee doonaaya in ay bedelaan hanaankoodii hore ee ahaa in ay gaadiidkoodu ku shaqeeyaan Shidaalka, waxaanay qorshaysay in ay soo saarto ilaa 10 gaadhi oo ay suuqyada soo geliso sannadka 2022-ka badhtamihiisa, iyada oo mustaqbalka doonaysa in ay gaadiidkeeda ka dhigto kuwo ku shaqaynaaya Awooda Dabka.

Inaga oo mid kamid ah barnaamijyadeenii hore kusoo qaadanay gaadhiga EQC oo ay lee dahay shirkadda Merseedis , sidoo kalena ah gaadhi ku shaqaynaaya Laydhka ama Korontada , kaas oo la filaayo in uu suuqyada soo galo sannadka soo socda ,gaadhigan ayaa ah mid ku shaqaynaaya dab aad u badan, kaas oo gaadhaaya ilaa 400 oo Horse Power, waxaanu gaadhigani jari karaa masaafo dhan 0 ilaa 100 km , isaga oo adeegsanaaya dab aad u yar, waxaanu xawaarihiisu gaadhayaa 180 km/saacadiiba , isaga oo xaga dambena ku wata mashiin lagu dabayn karo marka loo baahdo.

Shirkadda Mersendiis halkaas kuma joogsan, waxaanay soo saartay gaadhi kale oo ku shaqaynaaya isna laydhka, kaas oo lagu magacaabo Vision EQS, waxaana markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Macrad ku yaalla magaaladda Faranfoodh ee dalkaasi Jarmalka.

Gaadhigan cusub ee EQS waa  gaadhi aad loo qurxiyey loogana shaqeeyey, waa gaadhi aad u fudud, dhulkana u dhow, xawaare sarena ku socon kara, waxaanu ka kooban yahay laba midab oo kala ah madow iyo Dahabi,waxaanu lee yahay laydhadh aad u badan oo gaadhaaya ilaa 920 laydh oo kala duwan, waxaana loo sameeyey gaadhigan hab aad u qurux badan, iyada oo uu markaaba soo jiidanaayo indhaha macaamiisha.

Gaadhigan ayaa gebi ahaantiiba ku shaqaynaaya Laydh ama Koronto, waxaana gaadhigan EQS saaran Baytariy  xadigiisu dhan yahay 350 kilowaat, kaas oo siin kara gaadhiga dab dhan 470 Horse Power, waxaanu dabkaas ku socon karaa 100 km/Saacadiiba, isaga oo isticmaalaaya masaafadaas markasta oo uu socdoba xadi aad u yar oo dab ah, waxaanu xawaaraha uu jarayaa gaadhayaa 100 km/saacadiiba.

Waxaanay go’aansatay shirkadda Mersindiis , in ay ka dhigto wax kasta oo gaadhigan EQS ku taxaluqa mid aad u qurux badan oo soo jiidasho leh,iyada oo la saaray Baytariy aad u awood badan oo u adkaysan kara waxyaalo badan, waxaanu Baytariygani hayn karaa gaadhigan ilaa uu ka soconaayo Masaafo dhan 700 oo Km, kaas oo aan markeliyaata ciladoobayn, waxaanu dabka gaadhiga siinayaa 27 daqiiqoba mar, mana jirto wax cabsi ah oo laga qabo in uu goosto ama dhammaado, isaga oo noqon kara Baytariga ugu awooda badan baytariyada gaadiidka Mustaqbalka.

Leave a Reply