Dalka Hindiya Oo Uu Ku Dhashay Ilme Yar Oo Laba Madax Iyo Saddex Gacmood Lihi

0
426

Hooyo 21 sanno jir ah ayaa ku umushay dhakhtar ku yaalla wadanka Hindiya ilme yar oo laba madax  iyo saddex gacmood leh, kaas oo mucjiso ku noqday dhakhaatiirtii ka umulinaysay hooyadaasi, waxaanay noqotay arrin soo jiidatay warbaahinta wadankaasi iyo kuwa caalamiga ahba.

Ilmahan ayaa dhashay 23 November ee sannadkan , waxaana hooyadan lagu magacaabaa Babita Aherwar iyo odaygeeda oo lagu magacaabo Jaswant Singh Aherwar, waxaanay labadan waalid oo warbaahinta la hadlay sheegeen in ay aad uga naxeen ilmahan u dhashay markii ay arkeen, waxaanay tilmaameen in ay moodayeen markii hore laba mataanood , laakiin markii dambe uu xaalku is bedelay.

Ilamahan yar ayaa leh hal jidh, hal wadne iyo laba madax  iyo saddex gacmood, kuwaas oo dadkii goobta joogay ku noqday arrin mucjiso ah oo ay aad uga naxeen.

“ waanu ka naxnay, caqli gal maaha, mana rumaysan karno in ilmahayagu lee yahay laba madax”. Ayuu yidhi Mr Aherwar oo ah aabaha ilmahan dhalay.

Dhinacoodana Dhakhaatiirta cisbitaalkan ka hawlgasha ayaa sheegay in aanay weligood arag xaaladdan oo kale, sidaasna waxa ay ku sheegeen waraysi ay siiyeen wargeyska Indian Times oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , iyaga oo tilmaamay in arrintani mucjiso ku noqotay.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aanay suurto gal ahayn in la kala jaro ilmahan ,iyaga oo ku sababeeyey in ay wadaan labadan carruur ah ee isku taallaa dhammaan  xubnaha jidhka oo dhan, waxaanay weli isku deyayaan in ay xal u helaan.

Leave a Reply