Shirkaddaha Soo Saara Qalabka Lagu Ciyaaro Games-ka Oo Tartan Adagi Ka Dhex Bilaabmay

0
548

Lixdii sanno ee ugu dambeeyey waxa suuqyada Caalamka ku tartamaayey shirkaddaha X Box One iyo Play Station oo soo saaraayey qalabka ugu badan ee lagu ciyaaro, kaas oo qabsaday goobo badan oo caalamka ah, waxaanay suuqyadda caalamka ku qabsadeen muddo lix ilaa siddeed sanno ah, waxa iyaduna lamid ahayd shirkadda Wii U iyo Xbox oo tartan adag kula jirtay waqtiyadi horeba shirkadda Play Station shirkadda lagu magacaabo, iyada oo ay shirkaddaha Xbox  iyo Playstation soo saareen qalab ay ugu magac dareen Xbox One iyo Play station 2 , iyada oo waqtigan ay kusoo biireen tartankaas shirkaddo cusub oo ay kamid yihiin Sonny iyo Microsoft iyo kuwo kaleba.

Khubarrada aqoonta u leh tartanka shirkaddahan gacansi ayaa sheegay inay sannadkan dhammaadka ah isku cidhiidhyi doonaan suuqyadda, sidoo kalena uu hoos u dhac ku iman doono qiimihii qalabka ay soo saaraan ee  lagu ciyaaro labada shirkaddood ee Xbox Iyo Play Station, inkasta oo aanay joogsanayn iibsiga qalabkaasi.

Waxa kaalmaha ugu sareeya soo galay ciyaaraha caanka noqday sannadkan sii galbanaaya Residence Evil 2 oo noqday ciyaarihii ugu saafisanaa ee shirkaddahaas qar kamid ahi ay soo saaraan, isaga oo sidoo kalena noqday mid aad u xiiso badan.

Shirkadda Kaakom ayaa iyaduna soo saartay sannadkan sii dhammaanaaya Ciyaaro aad u qurux badan , sidoo kalena soo jiitay dhalinyaro badan oo daafaha caalamka ku kala nool, iyada oo qofka ciyaarayaa ciyaarahan uu u qaadan karo in uu ciyaarta ku jiro, gaar ahaana dhinac muqaalka oo ah mid aad u saafi ah.

Waxa loo isticmaal karaa ciyaarahan Play Station 4 iyo Xbox 1, sidoo kalena waxa lagu ciyaari Karaa Computer-ka xafiiska ama ka aad gurigaaga ku haysato.

Waxa isna kaalmaha hore ka galay ciyaarahan Games-ka SEKIRO  oo ah mid kamid ah ciyaaraha sannadkan lasoo saaray ,waxaana soo saartay shirkadda Front Software oo laga lee yahay dalka Japan, taas oo hore usoo saartay laba ciyaarood oo lagu kala magacaabo Black Bone iyo Black Source .

Waxa iyaduna ciyaarta saddexaad ee ugu xiisaha badan noqotay ciyaarta hawada sare lagu ciyaaro ee lagu magacaabo Outer Wilds ,waxaanay ka mid noqotay ciyaaraha loogu xiisaynta badan yahay, waxaana samaysay shirkad yar oo lagu magacaabo Moobiyoos Digital,waxaanay ku guulaystay abaalmarinta ciyaaraha ugu wanaagsan ee shirkaddaha yar yar ,waana ciyaar hab koox ah loo wada ciyaari karo, iyada oo lagu ciyaaraayo goob aan dhulka ahayn, waxaana laga metelay xadaarad luntay,iyada oo qofka ciyaarayaa uu raadinaayo halkii uu ka yimid , sidoo kalena waxa uu samaynayaa baadhitaano badan.

Waxaana uu qofkaasi daydayayaa halkii uu ka yimid 24  Minute oo keliyaata, isaga oo la kulmaaya weeraro badan, sidoo kalena iska ilaalinaaya in ay cad ceedu soo baxdo isaga oo aan meeshii loogu talo galay gaadhin, haddii ay soo baxdona qofkaasi sidaas ku dhimanaayo.

Waxa ciyaartan lagu ciyaari karaa Xbox 1 iyo Computer-ka caadiga ah, waxaana la filayaa in shirkaddahani soo saaraan qalab iyo ciyaaro cusub oo ay ku tartami doonaan dhowaan.

Leave a Reply