Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Togdheer Oo Daawooyin Ku Wareejiyay Xabsiga Dhexe Ee Burco

0
443

Burco (Dawan): Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa olole meelaha biyuhu fadhiisteen lagu buufinayo ayaa shalay daawooyinka cayayaanka la isaga buufiyo gaadhsiiyay xabsiga dhexe ee Burco.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye, oo ay wehelinayeen agaasime-waaxeedyadda fayo dhawrka iyo adeegyadda caafimaadka gobolka ayaana daawooyinkaasi ku wareejiyay taliska xabsiga dhexe.

Dr. Aadan Cilmi Diiriye, ayaa ugu baaqay bulshadda Togdheer in ay ku dedaalaan sidii ay u dhaqaajin lahaayeen meelaha biyuhu fadhiisteen oo ay ka dhalan karto halis caafimaad darro.

“Gobolka Togdheer oo dhan caafimaadkiisa xil baa naga saaran. Ama miyi ha joogo ama xabsi haku jiro. Waxaanan dadka ku baraarujinayaa, meelaha biyuhu fadhiyaan, biyahaa in la dhaqaajiyo. Kaneecadda hala iska buufiyo, xanuunkii wuu yaraaday.

Qoladda jeelka weyn wada shaqayn fiican ayaanu leenahay, haday bukaanka tahay, haday xidhiidhka kale tahay. Shaqadana waa waajibkayagii. Qalabkani wuxuu isugu jiraa kii buufimadda cayayaanka iyo qalab kale”ayuu yidhi Dr. Aadan Malaay.

Dhinaca kale taliyaha xabsiga dhexe ee Burco Xuseen Yuusuf, ayaa isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka uga mahad celiyay daawooyinka iyo qalabka buufinta cayayaanka ee ay xabsiga u keeneen.

Waxaanu yidhi, “Waxaan uga mahad celinaynaa isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer iyo kooxaha kale ee la socda. Saaka waxay noo keeneen daawooyin xabsigu u baahan yahay oo muhiim ah, iyo qaybtii buufimadda, ee lagu buufinayay wixii cayayaan ah.

Aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa. Hawshaa wanaagsan ee ay ka qayb qaateen wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer”.

Leave a Reply