Badhasaabka Sool Oo Wasaarradaha Dawladda Ugu Baaqay In Ay Xafiisyo Shaqaynaya Ka Hirgeliyaan Gobolka

0
515

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa sheegay in gobolku uu si weyn u tebayo wasaarradaha dawladda oo aan haba yaraatee ka shaqaynin xafiisyo-na aan ku lahayn gobolka.

Waxaanu ugu baaqay wasiirrada xukuumadda in ay wasaarradahoodu xafiisyo ka samaystaan magaaladda Laascaanood, isla markaana looga baahan yahay in ay isu-duweyaal u soo magacaabaan.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa tilmaamay in sanadkan 2019-ka uu gobolka Sool u yahay sanadkii horumarka, isla markaana wax badani iska bedeleen amaanka magaaladda Laascaanood iyo guud ahaan gobolkaba.

Hase yeeshee waxa keliya uu gobolku tebayo oo ka dhiman ay tahay wasaaradaha dawladda oo aan xafiisyo ku lahayn gobolka.

Badhasaabku waxa uu sidan ka sheegay mar ay shalay isaga iyo taliyaha qaybta booliska Sool telefishanka qaranka Somaliland uga warbixinayeen xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaana dhinaca amaanka iyo tallaabooyinkii u danbeeyay lagu sugayay nabadgeliyadda ee ay ciidamadda boolisku qaadeen.

Badhasaabka Sool, ayaa ka warbixiyay xaaladaha nabadgeliyadda iyo horumarka wakhtigan ee uu gobolku ku sugan yahay. Waxaanu yidhi, “Gobolka Sool, waxa uu ku tallaabsaday horumar iyo nabad. Sanadkan 2019-ka waxa uu Sool ugu astaysan yahay sanadka nabadda iyo horumarka.

Waxa keliya ee aan tebayno, oo naga dhimani waa wasaarradaha dawladda. Wasiirrada-na waxaan ka codsanayaa, wasaarraduhu waa in ay ka shaqeeyaan gobolkan. Wasaaradii is-cadaysaa, annaga wasaarradaha kale way nooga duwan tahay”.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa ciidamadda booliska ku amaanay hawl galadda ay ku soo qabtene Khamriga.“Waxaa la soo qabtay bahalka Khamriga oo aafo iyo dhib badan ku haya degaankeena.

Ciidanka booliska oo taliyaha qaybtu hogaaminayo waan uga mahad celinaynaa, in ay la dagaalamaan Khamriga, oo dhib inagu haya. Laascaanood imika sidii Khamriga loola dagaalamay, waxaa ka yaraaday, in Xabaddo iska dhacaan, meesha way ka baxeen.

Meel fiican ayaanay hadda maraysaa. Halkaana waxaa lagu gaadhay wada shaqayn iyo sharciga iyo nidaamka oo la ilaaliyo, oo la fuliyo”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Dhinaca kale taliyaha qaybta booliska gobolka Sool gaashaanle dhexe Axmed C/laahi Cabdi, ayaa isna ka warbixiyay hawl gallo ay maalmahan ciidamadda boolisku ka fuliyeen degaamadda ku xeeran magaaladda Laascaanood.

Hawl galkaasi oo ay ku soo qab-qabteen Khamriga fara badan iyo gaadiidkii lagu siday iyo dadkii watayba. Waxaanu yidhi, “Ciidamadda boolisku way dedaalayaan oo habeen iyo maalinba way socdaan. Taasina waxay keentay magaaladan Laascaanood Khamri baa haystay iyo Qori.

Dhumay oo 40 KM u jirta Laascaanood ayaan habeen hore ka soo qabanay Khamriga. Waana waajibkayaga na saaran, in aanu meel kastoo uu gallo ka daba galno”.

Gaashaanle dhexe Axmed C/laahi Cabdi, waxa kaloo uu sheegay in la dagaalanka Khamriga ay markii hore ka bilaabeen gudaha magaaladda Laascaanood, isla markaana ay hadda u gudbeen in meelaha magaaladda ka baxsan.

Tallaabadaasi oo ayuu taliyuhu tilmaamay in ay wax badan ka bedeshay amaanka magaaladda. “Markaa wejigii hore magaaladda gudaheedda ayay ahayd, wuu naga dhamaaday. Wejiga labaad waa in banaanka laga raadiyaa dhulka uu marayo loo baxo.

Qorigii-na wuu naga yaraaday, qaybta booliska, maamulka gobolka, maayarka iyo ciidamadda milateriga ee aaga bari, oo is kaashanayaa markii aanu tallo gaadhnay, arrintaa ILLAAHAY SWT ayaa noo fududeeyay”ayuu yidhi gaashaanle Axmed C/laahi.

 

 

 

 

Leave a Reply