Fanaanad qalin-qori qaali ah ka xaday boqortooyada UK

0
611

Qalinkan ayaa hadda noqday qalinka ugu cansan dunida – taas ayaana macno u yeeleysa. Balse lama garanayo qalinkaasi wax buu u taagan yahay.

Dabcan arrintu waa sidaa, qalinkan qoriga ahna waxaa laga xaday Amiir William iyo xaaskiisa Kate Middleton.

Tuugga xaday waa qof haddaba la garanayo oo caan ah oo maamulka iyo qofkasta uu og yahay – waana Camila Cabello.

Camila Cabello oo ah fannanadan caanka ah, waxay sameysay geesinimo, waxayna qiratay dembiga – waxay ku dhiiratay in ay ka xado qalinka oo uu hayay Greg James oo ah soo jeediyah barnaamijka BBC Radio 1. Dhacan oo xilli maalin ah la geystay, waxaa laga fuliy qasriga Kensington kullan ka dhacayay oo abaalmarin lagu siiyay dhallinyaro ku guuleysatay tartanka barnamijka Radio 1.

Laakiin, in kasta oo soo celinta qalin qorigaas ay wakhti qaadan karto, haddaba suuragal ma tahay in qiimihiisa la eego – mise waa arrin adag in la xakameeyo hadda?

Haddii qof uun uu og yahay, wuxuu noqonayaa Lee Young oo ka tirsan Antiques Roadshow.

“Asal ahaanta marka la eego, qalin-qorigan qiimo badan ma laha,” ayuu yidhi Lee – taas waxay si degdeg ah halis ugu tahay in sheekada ay sii socoto. Laakiin se wuxuu ku gelinayaa rajo.

“Balse marka taariikhdiisa la eego… waxaa suuragal ah in kumannaan dollar uu gaadho.”

Iyada oo taas ay jirto, haddana aan eegno sida Camila ay u qiratay ugana towbad keentay arrintaas.

Haddaba, dib haddii aan ugu noqono qiimeynta. Qallinkan waa mid yar, oo alwaax ama loox ka sameysan, wax midib ama magac shirkad ah ma laha, heerkiisa waa caadi, dhowaanna waa la qoray”.

“Marka hore waxaan u baahannahay in aan cadeyno oo aan aqbalno sheekada,” ayuu yidhi Lee.

“Haddii aan rumeysan nahay sheekada, taas oo dhab ah, ka dib waxaa jira arrimo muhiim ah oo aan eegi karno. Waa inaan dhiigga hida-sidaha ka baadhno – laakiin taasi waa arrin xad-dhaaf ah hadda.”

Lee wuxuu ku qanacsan yahay in lacag laga sameyn karo qalin qorigan sababta oo ah, waxaa Amiir William iyo Kate “laga jecel yahay dunida”.

Ma aha wax fudud in wax kasta la qiimeeyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin walxaha been abuurka ah.

“Shaki kuma jiro, in suuqa ay buux dhaafin doonaan qalin-qoriyaal badan oo been abuur ah oo lagu sheegi doono in ay lahaayeen Amiirka dhaxalsugaha Britain iyo xaaskiisa,” ayuu yidhi Lee oo digniin bixinayay.

Saraakiisha dhismaha kama aanay hadlin in qoyska boqortooyada ay dib u eegayaan amniga Khaanaddooda buugaagta. Iyada oo qirashada Camila ay ka fal celiyeen, waxayna ogeysiiyeen in ay si dhow ula socdaan..

Way ku saxan yihiin in lala socdo Camila – xatooyadan waxay albaab u noqon kartaa dembiyo kale oo halis ah oo la geysto. Waxay ku billaabatay qalin qori, balse waxa xigi kara in si lama filaan ah ay u qaadi doonto wax wayn. Ilaalada Eyda boqoradda waxa loo sheegay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Haddii wax yar aan dib ugu noqono qiimaha qalinkan. Sida caadiga ah waa wax soo jiidasho leh. Waxaa jira waxyabo kale oo madax hore ay lahaan jireen sida ra’iisul wasaarihii hore, Winston Churchill oo loo sameeyay meelo lagu iibiyo alaabtiisa.

“Haddii qalinkan la sii hayo. 50 illaa 100 sano ka dib, wuxuu yeelan doonaa qiimo sare oo ka qaalisan midka maanta.”

Wax kasta oo boqortooyo xidhiidh la leh wuxuu leeyahay qiimihiisa u gaarka ah, sida uu Lee sheegay.

“Qaar ka mid ah dharkii Boqoraddii Victoria ayaa suuqa la geeyay dhowr sano ka hor. Waxaan sii iibiyay qaar ka mid ah alaabtaa – waxay gaadheen $7,756 dollar (£6,000).”

Leave a Reply