Guddida Fulinta ee Kulmiye Oo Shir Ka Yeeshay Dhammaystirka Hawlaha Xisbiga

0
47

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen guddiga fulinta ee xisbiga midnimada iyo horumarinta ee Kulmiye.

Shirkan oo ay ka qayb galeen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye, ayaa ka mid ahaa hawl-maalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay.

Waxaana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Iyadoo shirkaasi ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha guddiga fulinta xisbigaasi.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo warbaahinta uga warbixiyay ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga.

Waxaanu yidhi, “Shirkayagani waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo shirarkii xisbiga haddii ay tahay-ba”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here