Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Tegay Mashruuca Banka Wajaale Oo Ay ka Socoto Jarista Dalagyadii Laga Beeray

0
649

Tog-Wajaale (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa kormeer ku tegay mashruuca beeraha ee banka Tog-wajaale ee gobolka Gabiley, halkaasoo ay ka socoto hawsha jarista dalagyadda kala duwan ee ka soo go’ay ee sanadkan la beeray.

Dalagyadaasi soo go’ay ee ay jaristoodu socoto ayaa lagu beeray dhul cabirka isu-gayntiisu dhan tahay 1200 Hegtar, oo isugu jira Qamadi iyo Hadhuudh.

Iyadoo 150 Higter oo ka mida dhulkaasi lagu beeray Qamadi, halka 1050 Higter oo kale-na laga beeray Hadhuudh. Kuwaasoo dhamaanba waxyaabihii laga beeray ay si buuxda u soo go’een.

Waxaana maalmahanba ka socotay banka Wajaale hawsha jarista midhahaasi, iyadoo ay Qamadiga jarayaan Cagaf-cagafyo ay leedahay wasaaradda beeruhu, isla markaana lagu cabaynayo Jawaanadda.

Kormeerkan wasiirka beeruhu ku tegay banka Wajaale waxaa markii uu halkaa gaadhay sharaxaad ka siiyay halka shaqadu marayso isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Gabiley iyo maareeyaha mashruuca beeraha ee banka Wajaale.

Axmed Muumin Seed, wasiirka beeraha Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay hadda gaadheen bilawga guushii qorshaha qaranka ee ahayd in isku filaanshiyo laga gaadho dhinaca cuntadda.

Waxaanu yidhi, “Waan ku faraxsanahay in hawshii aanu wadnay guulaha bilawgoodii gaadhnay. Ilaa inta halkii loogu tallo galay ay wasaaradu ama qaranka Somaliland ku doonayay in uu isku filaanshiyo ka gaadho raashinka, weli maanaan gaadhin.

Laakiin, bilawgii ayaan u jirnaa, oo waddadii ayaanu cagta saarnay. Sanadkan iyo sanadkii hore-ba awoodayadii ayaanu soconaa. Sanadadda soo socda-na waan sii wadaynaa. S cida anaga na bedeshaana ay mustaqbalka waddo ay marto, oo ay ku dayato ay u gaadho”.

Wasiir Muumin Seed, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay meelaha ay sanadkan wasaaradda beeruhu ka beertay dalagayadda oo hadda ay socoto jaritoodu.

“Wadamadda horumarka ka gaadhay dhinaca wax-soo-saarka qalabka ay haystaan ayuun bay wasaaradda beeraha Somaliland-na maanta haysataa. Waana horumar aynu gaadhnay. Agabkii wax-soo-saarka oo dhan maanta wasaaraddu way haysataa.

Saddex mashruuc ayaanu gacanta ku haynaa. Mashruucan Wajaale, Xaaxi iyo Beer. Mashruuca degaanka Beer waxaanu ka beernay Hadhuudh.

Xaaxi-na waxaanu ka beernay Hadhuudh, labada-bana waa la jaraa imika, dhawaan ayaana la soo rarri doonaa. Mashruucan Wajaale-na waatan la jarayo” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiirka beeruhu waxa uu sheegay in ay iyaga masuuliyadoodu tahay in dalagyadda kala gedisan ee dalka ka soo go’ay marka ay dhamaystiraan ay ku wareejinayaan hay’adda kaydka raashinka qaranka.

Iyadoo kadib-na ay hay’adaasi qorshayn doonto sida ay u maamulayso xiliyadda loo baahdo. Waxaanu yidhi, “Anaga masuuliyadda na saarani waxay tahay, marka aanu dalagyadaasi oo dhan soo jarno, waxaanu ku wareejin doonaa hay’adda ku shaqadda leh, ee kaydka raashinka qaranka.

Iyada ayaana qorshayn doonta markii abaarro dhacaan sida goboladda dalka loogu kala maaraynayo” ayuu yidhi wasiirka beeraha Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda beeraha ayaa ku wareejiyay dawladda hoose ee degmadda Gabiley dhul ku yaalla magaaladda Gabiley oo ay hore u lahayd wasaaradda beeruhu.

Dhulkaasi ayaa waayadii hore ahaa xarunta gaadiidka Cagaf-cagafyadda ee wasaaradda beeraha, isla markaana imika loo qorsheeyay in laga dhiso xarun caafimaad iyo Sariibad.

Waxaana wasiirka beeraha dhulkaasi si rasmiya ugala wareegay maayarka magaaladda Gabiley oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golaha degaanka Gabiley.

Sidoo kale waxaa madashii wareejinta dhulkaasi joogay badhasaabka ku-xigeenka gobolka Gabiley iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

 

Leave a Reply