Xukuumadda oo sheegtay in Dhismaha Waddada Berbera Corridor dhamaanayo 2021-ka

0
562

By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo maalintii shalay kormeer howleed ku tegay dhismaha Waddo ganacsiyeedka isku xidhaysa magaallooyinka Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo jidkaasi iyo qorshaha geedi-socodkiisa, kaddib markii uu warbixino ka dhegeystay maamulka iyo khubarada gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi.

Mashruucan oo ay horaantii sanadkan dhagax-dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Shirkadda DPWORLD, ayaa loo dhisayaa hab casri ah oo ka duwan waddooyinkii hore, waxaana gacanta ku haya laba shirkadood oo caalami ah oo ku guulaystay fulinta mashruucan.

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan oo kormeerka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka iyo qorshaha dhismaha waddadan, waxaanu sheegay in uu dhamaanayo sanadka 2021-ka.

Isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Mashruuca Berbera Corridor waa mashruuc balaadhan, waxa qorshuhu yahay in bisha shanaad ee sanadka 2021-ka uu dhamaado, shaqadu way socotay muddo lix bilooda oo maadaama ay tahay wadadu mid Irmaan oo la maro, waxa loo baahan yahay in la sameeyo waddo la sii isticmaalo, markaa fartii bilood ee u dambeeyey waxa socday waddadaas kale ee D-tuurka ah oo waa la dhamaystiray, kaas..

sida ay Khubarada gacanta ku haysa wadada cusub inoo sheegeen waxa la rajjeynayaa in 10km ee ugu horeeya la dhamaystiro ilaa January oo waxa wada socda dhismihii Wadada iyo calaamadihii bad-qabka oo wada socda, waayo Somaliland waxa ay qaadatay oo qorshaheedu yahay in waddooyinka la dhisayo la raaciyo xaggii bad-qabka Waddooyinka si shilalka gaadiidku inooga yaraadaan, waxa kale oo isna socda Biriishkii lixaad oo meel fiican maraya.”

Wasiirka oo ka waramaya doorka ay Wasaaraddu ku leedahay dhismaha wadadan, ayaa yidhi “Halkan Wasaaradda waxa ka joogga lix khabiir oo rag iyo dumar isugu jira oo iyaguna qabta shaqo kormeera oo ay ku hubinayaan tayada iyo habka loo dhisayo wadada, waxaanan rajjeynayaa in dhawaan la arki doono wadadaasoo dhamaystiran, xilna waxa uu inaga saaran yahay in aynu dayac-tirno.”

Dhinaca kale, Wasiir Cabdilaahi Abokor waxa uu daboolka ka qaaday in ay wasaaraddu sanadka 2020-ka hirgelinayso qalab lagu ilaalinayo sugnaanta bad-qabka Wadadan iyo kuwa kale ee muhiimka ah, kaasoo lagu xadiddayo heerka miisaanka gaadiidka isticmaalaya wadadan.

“Qorshaha Wasaaradda ee 2020-ka waxa ku jira in la sameeyo hannaankii ilaalintii miisaanka waddada ku dhacaya si aan miisaan ka badani wadada inoogaga dhicin, waxa kale oo aan samaynaynaa meelihii Ramamka ee la saarayey gaadiidka Itoobiyaanka ah iyo Biriijyada miisaan cabirka.”ayuu yidhi.

Ugu dambeyn Wasiirku waxa faahfaahin uu ka bixiyey farqiga u dhexeeya Wadadan Berbera Corridor iyo wadadii hore, baladh ahaan iyo tayo ahaanba, waxaanu sheegay “Wadadii hore baladhkeedu wuxuu ahaa 7m, tan cusubna waxa qorshaheedu yahay in ay noqoto 11.30M oo 8m ay noqonayso inta ay baabuurtu marayso inta kalena waxa ay noqonaysa garbo, markaa inshalah waddadani waxa ay noqonaysa mid hoos u dhigta shilalka ka dhasha gaadiidka isku dhawaada.”

Geesta kale, masuuliyiinta shirkaddaha dhismaha wadadan ku howlan iyo saraakiisha wasaaradda u qaabilsan la socodka howsha, ayaa niyad samaan ka muujiyey wada-shaqaynta iyaga iyo laamaha kala duwan ee Dawladda, waxaanay intaasi ku dareen in shaqada dhismaha wadadu si hufan u socoto.

 

 

Leave a Reply