Shirkaddaha Microsoft ,Google Iyo Amazon Oo Mar Labaad Doonaa Inay Ka Hortagaan Jabsiga Computers-ka

0
502

Shirkaddaha waaweyn ee Google, Microsoft iyo Amazon ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan Kooxaha Jabsada Computers-ka oo faro baas ku haya shirkaddahaas iyo caalamkaba, taas oo noqotay xalad amaan oo soo food saartay caalamka.

Su’aasha ugu badan ee lays weydiiyey  shirkii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadeen shirkaddahani ayaa noqotay halkee ayay ka yimaadaan kooxahani, yaase u fududeeya in ay shirkaddaha waaweyn soo dhex galaan xogahoodana helaan ama jabsadaan?.

Waxa iyaguna kusoo biiray shirkadahaas dhowaan Huwaawi, Apple iyo shirkaddo kale oo kuwa taleefanada ah, kuwaas oo dhibaato weyni kasoo foodsaartay jabsiga Computers-ka ay ku shaqeeyaan, waxaanay bilaabeen inay si dhow ula socdaan Mobiles-ka kusoo dhaca shirkadda, sidoo kalena cidda marwalba khadka soo gasha , iyaga oo tabobaro u furay shaqaalaha shirkaddahaas.

Dhanka kalena shirkadda Profe Poin oo hore ugala shaqaynaysay shirkaddahan daraasad lagu samaynaayey habkay ugu suurto gasho  dadka Computers-ka jabsada in ay soo galaan macluumaadka Computers-kooda ku jira, iyaga oo daraasad ay hore usoo saareen ku sheegay inay fududayso in ay kooxahani jabsadaan Computers-ka shirkadaha khaladaad dhinaca dadka ama shaqaalaha ka yimaada, kuwaas oo fariimaha loo soo diro si fudud u wada fura, sidaasna ay kooxaha qaarkood ku helaan macluumaad badan oo u fududeeya in ay Kombiyuutaradaas jabsadaan.

Daraasadan cusub ee ay shirkadani samaysay ayaa lagu sheegay in 18-kii bilood ee lasoo dhaafay loo soo diray Computers-ka shirkaddahan ilaa hal milyan oo warqadood, kuwaas oo gebi ahaantoodba ahaa Fayras lagu doonaayey in lagu helo xogta Computers-ka shirkadahan ku jira , taas oo haddii fariimahaas la furo si sahlan loogu jabsan karo Koombiitarada shirkadahan, waxaanay tilmaameen khubarrada shirkaddani in 99% khaladka ah in fariimahan la furaa uu ahaa khalad ay shaqaalaha shirkaddaha qaarkood ay sameeyeen.

Sidoo kale warqahan lasoo diraayo ayaa lagu soo qorayaa sida ay khubarradani sheegeen magaca shirkaddaha waaweyn , sida Google iyo Microsoft, waxa kale oo lagu soo qori karaa isla shirkadda aad u shaqaynaysid magaceeda, taas oo markaad furto hab Fayras ahaan ah u gudbinaysa macluumaad badan,si fududna waxa loo dhown loodh garaysan karaa macluumaadka shirkadda, waxa kale oo lasoo isticmaali karaa magacyada asxaabta qofka shaqaalaha ah oo iyagana hab Fayras ahaana loogu jabsan karo Computers-kooda ama kuwa shirkadda.

Waxa ay usoo jeediyeen khubarradani shaqaalaha shirkadahan in aanay furin haddii ay arkaan Fariin laga soo diray ciwaan kale, taas oo xarfaha ku qorani ay yihiin kuwo aan la fahmayn ama is daba marsan, waana hab kamid ah hababka loo jabsado Computers-ka shirkaddaha , iyada oo fariimo been ah oo Fayras la raaciyey lagu ladhaayo.

Dhinaca kalena Shirkadda Egses Negses  oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka ayaa noqotay shirkadii ugu badnayd ee weerarada dhinaca Koombiyuutarada ah la kulantay sannadkan aynu ku jirno ee sii dhamaanaaya, waxaanay noqotay shirkadda keliyaata ee 13% weerarada ugu badan la kulantay, waxaana inta badan isku day-yadaasi sameeyey shakhsiyaad aan la garanayn, kuwaas oo isticmaalaaya magacyada iyo Email-lo been abuur ah oo shirkaddo lee yihiin.

Dambiyada dhinaca Koombiyuutarada ayaa noqday sannadihii ugu dambeeyey kuwo kusoo badanaayey caalamka, iyada oo ay dadka macluumaadkan xadayaa noqdeen kuwo isticmaallaaya Xarfo iyo Lambaro is daba marsan oo aanay dadka intooda badani fahmayn,iyada oo ay shirkaddaha waaweyni u samaysteen qaybo ka difaaca oo u gaar ah difaaca weerarada dibadda kaga imanaaya, waxaanay dadkani inta badan toos u abaaraan shirkaddaha lacagaha badan soo saara .

 

Leave a Reply