Dhakhaatiirta Spain Oo Badbaadiyey Gabadh Wadnaheedu Shaqayn Waayey Muddo Saacaddo Ah

0
455

Dhakhaatiir u dhalatay wadanka Isbayn ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan gabadh u dhalatay wadanka Ingiriiska, taas oo wadneheedu uu shaqayn waayey muddo saacaddo ah , kadib markii uu gurigii ay deganayd ku habsaday qabow aad u darani.

Gabadhan ayaa wadnaheedu shaqayn waayey muddo 6.5 badh ah, sida lagu daabacay wargeyska Vanguardia News Paper oo uu  wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan , gabadhan ayaa wadnaheedu shaqada joojiyey  iyada oo guriga la joogtay Saygeeda  iyo carruurteeda,  waxaana loola carraray cisbitaalka Vall  d’Herbron Hospital, waxaanay  dhakhaatiirtu dedaal u galeen sidii ay uga shaqaysiin lahaayeen  wadnaha , iyaga oo ku guulaystay 5 December in uu dib u shaqeeyo wadnaha gabadhaasi.

Sida uu sheegay ninka Gabadhan qabaa , isaga iyo xaaskiisa ayaa muddo ka hor intii aanu wadnuhu shaqada joojin waxa ay kazoo noqdeen buur  kuwa barafka ah oo ay ku ciyaarayeen, iyaga oo la kulmay qabow aad u badan, kadibna guriga ay sidaas ku yimaadeen, guriga laftiisuna uu noqday mid aad u qabow, muddo kadibna waxa uu sheegay in ay koomo Gashay xaaskiisa oo lagu magacaabo Audrey Mish, iyada oo wadnuhu joojiyey garaacii iyo shaqadiiba, sidaasna loo dhigay Cisbitaalka .

Gabadhan ayaa markii Cisbitaalka la geeyey uu heer kulka jidhkeedu ahaa 18 Degree Celsius, iyada oo lagu xidhay markiiba Oxygen , taas oo muddo ay dhakhaatiirta cisbitaalku daweyn ku wadeen ka dib  usoo kacday, wadnaheeduna uu dib u bilaabay shaqadii.

Dr Edward  Argudo oo ka hadlay xaaladda gabadhan ayaa sheegay in  shaqada Maskaxdeedu ay door weyn ka ciyaartay in ay gabadhani dib usoo kabato, isla markaana ay dawadii la siinaayey ama lagu xidhay qaadato oo ay jidhka gaadho.

Waxa uu Dhakhtarkani sheegay in xaaladdaha noocan ahi ay dhif  iyo naadir ku yihiin adduunka, sidoo kalena ay markii ugu horeysay tahay ee ay arrintani ka dhacdo dalka Spain.

Leave a Reply