Xildhibaan Sharci Darro ku Tilmaamay Madasha Wadatashiga

0
512

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa – (Dawan) Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin wax Shrciya oo ay ku dhisan yihiin ama aanay ku jiriin Siyaasiyiinta ku bahoobay magaca Madasha wadatashiga.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in duruufo keeneen muddo kordhintii labada sanno ahayd ee Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada, waxaana uu intaasi ku daray in aanu burburi Karin Golaha Wakiilada oo ah hay’ad qaranka ka mid ah.

Maxamed Sheekh Caabdiraxmaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa ay iskugu tageen ee ay Sheeganayaan Siyaasiyiinta Madasha Wadashiga la garan maayo oo aan ahayn anaaniyad waxa doorashooyinka dib u dhigay waa Xaalad Siyaasiya, markaa haday timid Xaaladii Siyaasiga ahayd oo ay Taagantahay oo Hay’ada Qaranka ka mid ahi in ay burburto aafo ka wayni ma jirto, markaa taas ayaa keentay in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Qaranka Somaliland uu ka jiro Saddex dhardhaaar. waxaana uu yidhi “Markaa Dawladda Somaliland waxa ay ku jirtaa saddexdaa Dhardhaar ee Qaranka markaa waax ka mida Qaranku ma buburi karto, taas ayaa keentay in muddo kordhin uu Golaha Guurtidu u sameeyo Golaha Wakiillada Somaliland, sidii Dhaqankeenu ahaa waa in Xisbiga cabanayaa Kalsooni siiyo Golaha Guurtida oo markaad arrin galayso waa in labada dhinacba Kalsooni ku siiyaan oo yidhaahdaan waanu ogol nahay wixii aad soo saartaan”.

 

 

 

 

Leave a Reply