Xildhibaan Sheegay in Xisbiyada loo sameeyay in lagaga baxo Qabyaalada iyo Kooxaysiga.

0
528

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhiban Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Sheegay in Xisbiyadda Qaranka loo Aasaasay in lagaga baxo Qabyaalada iyo Kooxaysiga.

Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka Somaliland sheegayo in dalku yeelanayo Saddex xisbi oo ku dhisan talo wadaag, kuwaas oo soo saari doona Siyaasiyiinta dalka Hogaamin doona.

Ibraahim Mahdi Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiyada waxa ay soo saaraan Siyaasiyiinta dalka hagaysa Hanaanka aynu qaadanay iyo Dastuurka waxa uu sheegayaa in dalku lahaanayo Saddex Xisbi Qaran oo talo Wadaaga, waxaana ka mamnuuc ah Xisbiyada in aan lagu asaasin karin Qabyaalad, dad gaara sida Haween kaliya Dhalinyaro Culimo farqad Diimeed leh iyo Gobal kaliya midnaba laguma asaasi karo, ujeedada laga lahaana waxa weeye qodobadaa lagu Aaasaasayo Xisbiyada in lagaga baxo Kooxaysiga iyo Qabyaalada. bisayl la’aan ayaana ka jirta Xisbiyadda waxa aad moodaa in intiiba la iloobay. Waxa jira guddida Ilaalinta iyo Axsixinta Axsaabta Qaranka waxa ahayd in ay ku ilaaliyaan Xisbiyada Sharciga ay ku jiraan waydaarta Hanaankii Siyaasadeed”.

Sidoo kale Xildhibaanku ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Haweenka door kooda ay ka qaataan nidaamka Siyaasadeed ee dalka. waxaana uu yidhi “Waxa aynu ubaahanay in nidaamka Siyaasadseed ee aynu qaadanay haweenka lagu tababaro in ay la jaaanqaadaan markaa muhiimadu waxa weeye in aynu fahano doorkii Haweenku ku la hayeen Xisbiyadda mahelaan hadii aanay helin waa in lays waydiiyo sababta.”

 

 

 

Leave a Reply