Cashuurta Dunida Ugu Yaabka Badan

0
811
  • Dalka Ruushka Boqorkii Qaysar ee xukumi jiray kaasi oo uu talada kala wareegay Leninkii shuuciga ahaa , ayaa soo rogay cashuurtii ugu yaabka badnayd dunida ka dib markii uu cashuur ku soo rogay dadka bulshada uu xukumo ka tirsan ee gadhka la baxa isla markaana aan iska xiiran. Wakhtigaasina qofka gadhka la baxayaa waxa uu ka soo cashuuri jiray dawlada, waxaana mid la ogyahay. Haddii aanaad gadhkaaga cashuurta ka bixin waxa lagu qaadi jiray xukuno u yaalay.

 

  • Macluumaadka kale ee dunida laga ogaaday waxa ka mid ah in Maroodigu marka ay naftu ka baxdo isagoo taagan wuxu awoodi karaa inuu sii tagnaado dhawr saacadood.
  • Libaaxna marka uu ciyo waxa dhawaaqiisa laga maqlaa meel u jirta 8 Km.
  • Da’da Shimbirta Gorayada ayaa iyana la sheegay inay gaadho 75 sano
  • Sanadkii 1894 dalka Maraykanka gebi ahaantiisa waxa joogay 4 gaadhi oo keliya. Dadka ku nool Thailanda ayaa iyana aaminasan in Maroodiga midabkiisu cadaanka yahay  uu muqdas yahay.
  • Dunida luqadaha lagaga hadlo ayaa gaadhaya 2700 luqadood. Waxaaana la sheegay in badankoodu yihiin Qaarada Aasiya. Xajmiga wadnaha Nibiriga ayaa isna la sheegay inay u dhiganto culayska gaadhi, Carabkiisun wuxu noqoday 5 Mitir.
  • Waxa kale oo daraasad lagu ogaaday in Dukhsigu uu noolaado muddo 14 maalood ah oo kleiya.

 

Leave a Reply