Dib-qalooc haweenay ku dhex qanniinay diyaarad ay ku safraysay

0
429

Dib-qalooc ayaa haweenay ku dhex qaniinay diyaarada shirkadda United Airlines oo ay ku safreysay.

Diyaarada ayaa ka soo kicitintay magaalada San Francisco islamarkana ku sii jeeday Atlanta.

Haweeneydan ayaa waxay sheegtay in ay dareenta wax lugta ka mudaya xilli lagu guda jiray duulimaad Khamiistii.

Markii ay haweeneydan musqusha aaday ayaa waxa surwaalkeeda ka soo dhacay Dib-qalooc.

Haweenayd rakaabka ahayd ayaa waxaa adeeg caafimaad u fidiyay shaqaalaha caafimaadka ee goobta joogay ka hor inta aan isbataalka loo qaadin.

Saraakiisha shirkadda diyaaradda ayaa BBC u sheegay in aanay wali magaca haweeneydan haynin islamarkana aanay xaaladeeda ka war qabin.

“Markii aan ogaanay in la qaniinay mid ka mid h macaamiisheena oo saarnayd duulimaad tirsigiisu ahaa 1554 oo ka soo baxday San Francisco islamarkana ku sii jeeday Atlanta ayaa waxaa cawiyey shaqaalihii caafimaadka ee goobta ku sugnaa,waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay shirkadda soo saartay.

Bogga internet-ka ee lagu magacaabo news website TMZ, ayaa daabacay sawir u muuqda in uu yahay dib qaloocii laga dhex helay shirkadda United Airlines.

Ma aha markii ugu horreysay oo diyaarad rakaab laga dhex helo Dib-qalooc.

Horraantii sanadkan ayaa waxaa la arkay dub-qalooc ku dul socda boorsooyiinka shirkadda diyaaradaha ee Lion Air oo ku sii jeeday Indonesia.

Dhacdo tan la mid ah ayaa dhacday 2017, ka dib markii nin reer Canada ah uu dub qalooc ka dhex qanniinay shirkadda diyaaradaha ee United Airlines.

Leave a Reply